25th October 2024  admin  Category :

https://youtu.be/lk_acbRX_b8

Amiir Caamir oo labaatankii sawir ee ugu danbeeyey ee  uu sameeyey, tobon ka mid ah uu lacag kaga qaatay mooryaanta  inuu  aflagaadeeyooo uu sawir xun ka bixiyo  Ra’isawasarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa maanta soo bandhigay  sawir uu lacag ku qaatay    kuna  amaanyo Muuse Biixi.

Hadba waa kuma Muuse Biixiga uu  Amiin Caamir lacagta kaga qaatay inuu sawir qurxoon ka sameeyo

Muuse Biixi  waa hogaamiyaha Xisbiga Kulmiye,  oo u ololeenaya inay Soomaali inteeda kale ka go’aan. Maalintii shalay oo bishu ahayd ‎‎October ‎26, ‎2017, Muuse Biixi wuxuu amaray dad ugu mudaharadayey midnimada Soomaaliya  degmada Badhan ee Gobolka Sanaag in la xabadeeyo. Sideed qof oo Caruur iyo waayeel ah ayaa ku dhaawacmay.

Marka labaad Muuse Biixi, waa danbiile dagaal waa dagaal ooge, Beesha uu ka soo jeedo intooda badan ayaa qirtay inuu Dumar iyo Caruurku  xasuugay gobolka Awdal  waqtigii uu madaxda ka ahaa jabhaddii SNM

Marka sadexaad maalintii uu dilayey dadka laga tirada badan yahay, oo umaddii caqliga qabtaa ay ku lahayd war Muusoow  umadda Islaamka ah sida ka daa oo duco qaado. Jawaabtiisii waxay noqotay ” Aniga oo wax dili kara  duca qaadan maayo.

 

Ugu danbayntii Amin Caamir haddii aad garan wayday macnaha  midnimada Soomaaliya oo aad  la safatay kuwii  dalka Soomaaliya  kala g’oynay,  shaqona aad ka dhigatay inaad lacag ku qaadato aflagaadada Cumar Cabdirashiid, Waxaan ku xasuusimayaa  maalintii awoowahaa Baaniyaal  Bajiyaha iyo Sambuuska Xamar weyne ku gadayey,  Cali Sharmaarke kuwa aad amaanayso awoowayaashood ayuu u talinayey    . Maalintii Caamir jidka Marwaas dharka ku tolayey Cabdirashiid Cali sharmaarke Soomaaliya ayuu  madaxweyne  ka ahaa.  maanta Amin Caamir ‘adiga’  OO maanta Mooryaanta   Muuse BIIXI iyo Mahad Salaad  jeebkooda u jeedo isagu ‘ Cumar Soomaaliya labo mar ayuu Soomaaliya  ra’isawsaare ka soo noqday” .Hal maalina laguma soo  eedayn dad uu dilay iyo  beel u aflagaadeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*