22nd October 2024  admin  Category :

Dawladda Spain ayaa ka hortimid aftida ka dhaceeysa gobolka Catalonia, waxeeyna dawladda Spain ay u dirtay kumanaan kun oo ciidamo ah si ay ugga hortagaan aftida ka dhici doonta gobolkaas maalinta Axada ah.

Gobolka Catolonia dadkiisa tiradooda waxaa lagu qiyaasaa ineey dhan yihiin 7500,000 todobo milyan iyo shan boqol oo kun oo qof, waxeeyna dhaqaala ahaan ku fadhiyaan boqolkiiba labaatan dhaqaalaha dalka Spain. Hadaba dadka reer Catalonia waxeey raadinayeen goosashada muddo ka badan boqol sanno, wellina ma hayaan wixii ay raadinayeen.

Dhinaca kalle, waxaa gooni u goosad raadinaya Kurdishka Ciraaq oo aftidii ay sameeyeen ku go’aansaday ineey goostaan, balse arrintaas waxaa ka horyimid dawladda dhexe ee Ciraaq. Sidoo kalle, waxaa ka hor yimid dalalka Turkiga, Iiraan iyo welliba Siiriya. Dadka Kurdishka ah ee Ciraaq waa dad tiradooda lagu qiyaaso illaa 8 milyan sideed milyan oo qof.

Hadaba, gobolka Catolonia iyo Kurdistaan labadaba waa dhul dadkii lahaa ay deggan yihiin, balse waxaa la yaab leh beesha Isaaq oo ah afar xabo oo  welliba sheeganeeysa dhul aysan laheen sida Sool, Sanaag iyo Awdal sida ay dawlad ku noqon karaan? Miyeeysan habooneen in beesha SNMta ku abtirsataa ay caqligoodu ka shaqeesiiyaan oo ay iska illaawaan waxaan sinaba u shaqeeneen oo waqtigana ka luminaya?

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*