31st October 2024 admin Category :
Wasiirka Warfaafinta dowlada Itoobiya Negeri Lencho oo warsaxaafadeed ku qabtay magaalada Addis Ababa ayaa sheegay in 200 oo ruux oo lagu tuhunsanyahay inay ku lug lahaayeen weerarkii ka dhacay deegaanka Hawadaay la qabtay si xasiloonadii deegaanadaas dib loogu soo dabaalo.
“Waa la qab qabtay dadkii ka qeyb qaatay dagaalka,waxaana maleenayaa in boqolaal la hayo.Deegaanka Hawadaay ee kililka Oromada ku dhawaad 200 oo ruux ayaa la qabtay,” ayuu yidhi wasiirku.
Wasiirku wuxuu sidoo kale sheegay in deegaanadaas la geeyay ciidanka difaaca qaranka iyo booliska federaalka si deegaanadaas ay nabad ugu soo dabaalaan.
Wasiirku wuxuu xusay inay jireen dedaalo hada ka hor la sameeyay si xal looga gaadho xuduudaha labada kilil iyadoo bulshada kunool labada dhinac laga qeyb gelinayo isla mar ahaantaana loogu kala xadeeyo deegaanada lagu muransanyahay.Wasiirku wuxuu sheegay in dedaaladaas dhaliyeen in bishii April ee sanadkan labada dhinac kala saxiixdeen heshiis la xidhiidha xuduudihii lagu muransanaa isagoo intaas raaciyay inuusan garanaynin waxa degaaladan cusub soo celiyay.
Wuxuu intaas ku daray in ciidanka difaaca qaranku iyo booliska federaalku ay si dhow ula shaqeeynayaan hogaaminta labada kilil si xal nabadeed loo gaadho.
Wasiirku wuxuu ugu dambayn tacsi udiray eheladii dadkii lagu laayey dhacdadan wuxuuna xusay in dowladu wado dedaalo dib udejin loogu sameeynayo dadkii ku barakacay dhacdadii ka dhacday Hawadaay.