
26th November 2026 admin Category :
Xafiiska QM ee UNSOS-Soomaaliya oo dhawaan Mareykanka ku dhawaaqeen in ay ka jarteen kaalmadii ay siin jireen ee lagu taageeri jiray amniga Soomaaliya ayaa bilaabay xaraash lagu bixinayo qalabkii Xaafiisyadani ku shaqeynayeen.
UNSOS ayaa raadinaysa shirkado xaraashlayaal ah (auctioneers) si ay u xaraashaan/iibiyaan agab kala duwan oo ay leedahay Qaramada Midoobay (sida gaadiidka, kombuyuutarrada, matoorada, iyo qalabka dhismaha), 11ka bishan ayaa loo qabtay ugu dambeynta codsiga xaraash dalbashada.
Tani, waxay ka dhigan tahay in ay UNSOS ka quusatay gabi ahaanba in ay ka howlgasho Soomaaliya, siina wado shaqooyinkeeda taageerada dhinaca hawada & Farsamada ee ciidamka Midowga Afrika, xataa haddii la helo cid buuxiso.
Sida aan goor hore tabinay Reer galbeedka ayaa si baraxla’a u diiday in codka diidmada qayaxan u adeegsanayaan, haddii laysku dayo in dhaqaale loo raadiyo UNSOS & howlgalka Midowga Afrika, gaar ahaana lacagaha taageerada, tan waxay ka dhigan tahay in DF ay wajahayso xaalad kakan.

@UNSOS_ has begun auctioning off its equipment in #Somalia (vehicles, computers, generators, construction gear) after the US cut funding for Somalia's security support.
— MM Somali TV (@MMSomalitv) August 9, 2026
👉https://t.co/ozoLkBJUOK pic.twitter.com/oIumsSt1RW







