19th May 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wakiilka Hay’adda UNDP ee Soomaaliya Lionel Laurens iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda, ayaa looga hadlay sidii loo sii dardargelin lahaa Mashaariicda horumarin ee Hay’adda UNDP kala shaqeyso Hay’addaha Dowladda iyo xoojinta wada shaqeynta Dowladda Puntland iyo UNDP.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*