27th July 2024  admin  Category :

Jiirku wuxuu ka mid yahay noocyada xayawaanaadka dab iyo duur joogtaba ah laakiin waxaa jira faa’iidooyinka iyo khasaare uu leeyahay labadaba.

Saynisyahanada cilmi baarista ee adduunka ayaa isku raacay in isticmaalka noocyada jiirka ee cilmi baarista iyo tijaabooyinka cudurada ay noqdeen kuwo aad muhiim u ah dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

Marka xayawaanka sida jiirarka ama jiirka loo doorto moodal loogu talagalay tijaabinta hidda-sidayaasha, sababta ugu weyni waa isku ekaanshaha muuqaalkooda hidde-sidaha DNA-da aadanaha.

Jiirarku waxay ahaayeen nuucyada naasleyda ee ugu horreeya ee si gaar ah loo dhaqdo si loogu isticmaalo shaybaarka.

Laba qarni ka hor, jiirka madow xigeenka ah ee loo yaqaan (brown Rattus norvegicus) waxaa isticmaalay saynisyahannada si ay u fahmaan qaab dhismeedka jirka iyo daawada bini’aadamka, iyaga oo xoogga saaraya saameynta cuntada iyo ogsijiin yaraanta.

Jiirka ayaa tan iyo markaas loo adeegsaday in laga jawaabo tiro balaadhan oo ah su’aalaha sayniska aasaasiga ah ee la xidhiidha cudurrada caadiga ah ee bini’aadamka ee dhinacyada physiology, immunology, farmasiyada, sunta, nafaqada, dhaqanka iyo barashada.

Waa maxay faa’iidooyinka isticmaalka jiirka ee cilmi-baarista cudurrada aadanaha?

Jiirku waa noolaha ugu habboon tijaabooyinka shaybaaro badan taas oo ay ugu wacan tahay isku ekaanshaha jireed ee ay la leeyihiin aadanaha. Sidoo kale, maadaama jiirarka ay fududahay in la quudiyo oo ay ka yar yihiin cabbirka naasleyda kale ee adag, waxay yihiin xulasho ku habboon cilmi-baarayaal badan.

Iyadoo la eegayo sida jiirka madow xigeenka ah ee Brown Norway baaritaan lagu sameeyey 2004-tii oo uu hogaaminayey Machadka dawada ee Baylor gaar ahaan mashruuca jiirka ee Genome Sequencing,taas oo hadda la og yahay in ku dhawaad dhammaan hiddo-wadaha bini’aadamka ee xiriirka la leh cudurrada ay leeyihiin dhiggooda jiirka.

Tiknoolajiyada tafatirka hidda-wadaha ayaa u oggolaanaya saynisyahannada in ay marar badan u adeegsadaan jiirka cilmi-baadhistooda.

Waa maxay faa’iido darrooyinka isticmaalka jiirka ee noocyada daraasadaha qaarkood loo adeegsado?

Marka la eego cudurrada loo isticmaalo in lagu barto, jiirku inta badan maaha qaabka doorashada ugu fiican marka ay timaado cilladaha la xidhiidha neoplasms, dhiigga iyo shaqada difaaca.

Si kastaba ha noqotee, waxaa si aad ah loogu isticmaalaa barashada cudurada wadnaha iyo dheef-shiid kiimikaadka, iyo sidoo kale billawga xaaladaha la xiriira maskaxda, habka dheef-shiidka, iyo dhibaatooyinka caafimaad ee kala duwan. Cilmi-baarayaasha waxaa inta badan lagula talinayaa in ay bilaabaan waxbarashadooda iyaga oo isticmaalaya noocyada jiirka.

Waxaa kale oo noocyada jiirka loo adeegsaday oo ay ku wanaagsan yihiin inay hoos u dhigaan fashilinta daroogada ee tijaabooyinka bukaan-socodka.

Dhibaatada u dhaxaysa dadka iyo jiirka

Qaar ka mid ah faa’iido darrada doorashada nooc xayawaan ah oo kala duwan ayaa laga yaabaa inay ku adkaato ururinta xogta saxda ah, isbarbardhigga xogta daraasadihii hore ee isticmaalay moodooyinka jiirka, iyo soo saarista gabagabo qeexan oo khuseeya daraasadaha mustaqbalka.

Marka laga soo tago daraasadaha iyo sida ay u muujinayaan in noolaha jiirku muhiimad u leeyahay cilmi baarisyada, haddana waxaa jira inuu faa’iido darro u leeyahay bulshooyin badan oo danyar ah.

“Jiirku waa dhibaato haddana nagula nool guri iyo goobahena ganacsiga,wuxuu noo gaystaa khasaaro badan sida inuu cuno raashinka qalalan sida baastada, buskudka, sidoo kale wuxuu dhibaato ku hayaa dharka baatiga ama kuwa kale oo cunayo,

Subax ayaad imaanaysaa iyadoo baastada dukaanka kuu taalla ama kartoomo cuno ku jirto ama buskud ku jiro oo uu cunay, waa inaa tuurtaa waa khasaaro ku gaadhay, wuxuu sidoo kale jarjaraa fiilooyinka talaagada waxaana ka dhalan karta halis” ayey tiri haweeney dukaan ganacsi ku leh magaalo xeebeedka Boosaaso.

Guryaha ayuu inta badan ka gaystaa khasaare sida inu jarjaro dukumentiyo muhiim ah, ama lacag adah oo qaali ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*