7th September 2024  admin  Category :

Haweenay Soomaaliyeed ayaa la soo werinayaa in Axaddii lagu xidhay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Mumbai ee dalka Hindiya, kadib markii lagu soo eedeeyay in ay si qarsoodi ah u soo galisay dalkaas 3.4 kilo oo dahab ah oo qiimihiisu gaadhayo 29 Milyan oo Shilinka dalka Kenya ah ($195,747.55).

Gabadhan oo aan magaceeda kusoo koobeyno Sahra, ayaa wararku waxay sheegayaan inay tahay Soomaalida Kenya.

Soomaali badan ayaa la sheegay inay dahabka cayriinka ah u iibgeeyaan dalkaas Hindiya, halkaasoo kaddib laga sameeyo dahabka ay xirtaan hablaha sida dhegaha, katiinadda, faraantiga iyo jijimanka.

Lama oga xaddiga dahabka ee guud ahaan la geeyo Hindiya, iyo in Soomaalida ay gudaha Kenya uun ka dhoofiyaan dahabkan, iyo inay jiraan dad kale oo gudaha Soomaaliya ku sugan oo dahabka u iibgeeya Hindiya.XAYEYSIINhttps://682a5f3b91749740e9b4da768d43a618.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-40/html/container.html

Maxay ka yidhaahdeen warbaahinta Hindiya dhacdadan?

dahabka

Laamaha sirdoonka hawada ee Hindiya (AIU) ayaa sheegay in haweeneydaasi ay dahabka ku qarisay dharkeeda hoose, ayna ka dhoofeysay garoonka, markii la qabtay.

Saraakiisha Hindiya ayaa sheegay in haweenayda oo reer Nayroobi ahayd ay qabteen kaddib markii waaxda sirdoonka ee garoonka diyaaradahu ay ku qabteen meel u dhaw albaabka laga baxo ee garoonkaas, xilligaas oo ay ka soo gudubtay baadhisihii albaabbada gudaha ee garoonka.

Haweenaydan ayaana la sheegay in ay wadatay baasaboorka UK.

“Waxay haysatay baasaboor ay bixisay Boqortooyada Ingiriiska iyo Waqooyiga Ireland, kaas oo shaqaynayay ilaa 2032. Waxay ka timid Nairobi yaa oo qorshaheeda socod ahaa Mumbai ayna soo gaadhay 30-kii Sebtembar,” ayay sarkaal dhanka cashuuraha ah ka soo xigteen warbaahinta Hindustan Times.

Saraakiisha Kastamka ayaa soo ogaaday 17 waax oo dahab ah oo ka mid ah dahabkii ay wadatay ayna ku soo dhex qarisay dharka ay xidhato, halka inta kale ay shandaddeeda iyo meelo kale ku soo qarisay.

Kiilada dahabka ah ayaa laga heli karaa ku dhawaad 5,4000 oo dollar ah. Sida laga soo xigtay warbaahinta Hindiya, haweeneydan ayaa lagu hayn doonaa muddo 14 maalmood ah iyadoo mas’uuliyiinta ay baadhayaan sida uu ku dhacay qorshahan tahriibinta dahabka ahi

Waxa la rumaysan yahay in ay qayb ka tahay shabakad weyn oo ka ganacsata dahabka kuwaas oo ka dhisan Mumbai, meeshaas oo ay saraakiisha cashuuraha dawladda Hindiya aamminsan yihiin in ay tahay xarun si sharcidarro ah dahabka uga ganacsata, sida ay baahinayaan warbaahinta Hindiya.

Bishii April ee sanadkan, sagaal dumar ah oo Kenya ka tegay ayaa lagu xidhay garoonka diyaaradaha ee Mumbai, kaddib markii ay isku dayeen inay ka dhoofiyaan dahab qiimihiisu yahay Sh156.4 milyan oo lacagta Kenya ah.

Sida ay sheegayaan wararku ugu yaraan 640 kiilogaraam oo dahab ah oo qiimahiisu yahay ku dhawr boqol oo kun oo dollar (Rs 360 crore) ayaa lagu qabtay garoonka diyaaradaha.

Kooxaha sida sharcidarrada ah dahabka u keenaya ayaa la sheegay in ay dumar ajaanib ah u adeegsadaan in ay dahab ku soo galiyaan dalkaas.

Muxuu ka qabaa sharciga Hinidya arrintan?

dahab

Sida uu qabo sharciga Hindiya, waa dembi in si qarsoodi ah dahabka loo qaato.

Dembiyada iyo qodobbada ciqaabtu waxay dhigayaan dalkaas “in dadka ku lugta leh tahriibinta iyo hababka kale ee soo dejinta iyo dhoofinta, iyo ku xadgudbidda waxyaalaha la mamnuucay ama kuwa ujeeddadoodu tahay inay ka baxsadaan waajibaadyada dawladda waxay mutaysanayaan tallaabo ciqaab ah oo culus sida uu dhigayo Xeerka Cashuuraha.”

Sida oo kale sharciga dalkaa ayaa dhigaya alaabta iyo hantida la qabto xilli ay ahayd sharci darro habkii lagu keenay ama lagu soo iibsaday in dawladdu la wareegi karto, waxaana lagu soo rogi karaa ganaaxyo culus cid kasta oo ku lug leh dhacadadaas.

Hindiya ayaa ka mid ah dalalka sida sharcidarrada ah dahabka lagu geeyo iyada oo horena ay dhawaan ahayd markii dalkaasi qabtay dhab si dharcidarro ah la isku deyey in si diblomaasiyadeed loo dhaafiyo waaxaha baadhista oo garoonka diyaaradaha lagu qabtay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*