18th October 2024  admin  Category :

Isku shaandhayn ay sabab u ahayd wasiir Qoyska reer Xasan Culusoow ka Caraysiiye

Ra’iisul wasaaraha dawladda federaalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre isaga oo helay amar madaxweyne isku shaandheyn ku sameeyey qaar ka mid ah golihiisa wasiirrada, isaga oo xilka ka qaaday wasiirkii maaliyadda oo aad uga caraysiiiyey Qoyska reer Culusoow

Ra’iisal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa xilkii ka qaaday wasiirkii maaliyadda ee Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, wuxuu u magcaabay Biixi Iimaan Cige oo hore u ahaa wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada.

Dr. Maxamed Cilmi Ibraahin ayaa loo magcaabay inuu noqdo wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada, isaga oo ah xubin cu sub oo ku soo biirtay golaha wasiirada.

Abuukar Jaylaani Sheekh ayaa loo magcaabay inuu noqdo wasiiru-dawlaha awqaafka iyo arrimaha diinta, halka Saadaad Maxamed Nuur loo magcaabay wasiiru-dawlaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka.

Afhayeenka xafiiska ra’iisal wasaaraha Farxaan Maxamed Jimcaale oo warbaahinta u akhriyey wareegtadan ayaa sheegay in masuuliyiinta la magcaabay la farayo inay xilka ula wareegaan sida ugu dhakhsaha badan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*