26th April 2024  admin  Category :

Dawladnimaddii Puntland oo qarka u saaran inay burburto.

Labaddii Tiir ee  ugu muhiimsan dawladnimadu ,  waa amniga iyo caddaladda. Maanta dawladda Puntland  labadII  Tiir ee dawladnimadu ku dhisnayd  ayaa weerar lagu yahay, Waxaana wiiqaya oo weerar ku ah madax hore oo Puntland soo martay oo hadda u arka in  jidka qaska iyo fawdadu  yahay kan ugu dhakhsiyaha badan oo mar labaad ay ku hanan karaan hogaanka PUNTLAND.

Bilahan danbe, Magaalada Boosaaso waxa lagu dilay madax ka mid ahayd dawladda Puntland ee hadda jirta oo isugu jiray Taliyaal iyo Siyasiyiin.

Dadqalatooyinkii dadkan dilay oo ka tirsanaa ururka argagixisada alshabaab ayaa gacanta lagu soo dhigay, waana la xiray si maxkamad loogu hor keeno denbiyaddi ay u qirteen sirdoonka Puntland inay gaysteen. Nasiib xumo madaxdii hore ee Puntland oo isticmaalaya odayaasha degaanka qaarkood ayaa  banaan baxyo rabshado wata ka sameeyey magaalada Boosaso, Iyaga oo u doodaya Alshabaabkii dadkkii ay dileen u xirnaa  in la sii daayo . Arintan ujeedadda laga laha ayaa waxay  ahayd in beelaha maanta nabadda ku wada nool Boosaso in layska hor keeno.

Maamulka Puntland oo lagu amaanay  sidii  deg dega ahayd oo ay ku soo qabqabteen Alshabaabka amni xumada ka waday magaalada  Boosaaso, ayaa markii ay arkeen sida khaldan oo Mucaaradka Puntland iyo Aaran jaan ay wax u wadaan oo ay kursiga ku raadinayaan  ayaa waxay sameeyeen tanaasul ah in  sirtii ay ahayeen qaarkood ay sii daayaan,si bulshada Puntland ee nabadda jecel xaqiiqda loo tuso. Waxayna warbaahinta hor keeneen Dadqal yar oo qiranaya denbiyaddii uu ku kacay  iyo dadkii oo gardarada  ay u laayeen . Odayaasha Boosaaso iyo Aaran jaan Dadqalkan yar iyo asxaabtiisa  ayeey u doodayeen in la sii daayo oo magaalada Boosaaso ay joogaan Eheladdi dadkooda la dilay.

Arinta labaada oo mucaaradka Puntland ka wadaan Puntland waa ciidamada qaarkood oo ay u istcmaalayaan qaab khaldan.

Maalmo ka hor mucaaradka Puntland waxay qaab beeleed u isticmaaleen qaar ka mid ah Ciidanka Puntland, waxayna qabsadeen xaruntii sharci dejinta Puntland. Iyaga oo arintan u sameeyey cabsi gelin madaxda Puntland oo aan degaan ahaan ka soo jeedin caasimadda Puntland.

Maantana  markii ugu horaysay Caalamka,  ayaa taliye ka mid ahaa  Askartii  maamilntii dhowayd soo weerartay xarunta sharci dejinta Puntland  wuxuu soo saaray  WAREEGTO UU ku leeyhay mushahaar ma qaadan dowr bilood. Halka wasaaraddi maaliyadda Puntland ay soo bandhigtay cadaymo mushahaar la siiyey Taliyahan iyo ciidankiisa la   jooga Garowe, Taliyahan wareegtada soo saaray wuxuu ilaaway inay jiraan Askar kale oo Puntland ah oo joogtafaroole_muxyaa Galgala, Qandala, Gaalkacayo Buuhoodle iyo Badhan oo iyaga oo gaajaysan difaacaya maamulka Puntland

Ugu danbayntii Maamulka Puntland iyo taliyaha guud ee Ciidanka Puntland ayaa laga sugayaa jawaabta ay ka bixiyaan askartii labada goor sharciga baalmaray oo haddana wareegtada soo qortay . Sharciga kowaad oo Asakarta Garowe joogtaa  ay jebiyeen waa amar diidmo dawladeed  iyo isku day  inqilaab. Sharciga labaad ee Askarta Garowe joogtaa jebiyeen ayaa waxay tahay  Puntland waa Beelo wax isku darsaday. Beel ka mid ah beelihii wax isku darsaday ayeey astaantoodii ixtiraami waayeen oo si toos ah u  soo  abaareen si ay uga dhigtaan Jaranjaro ay dhoolatus ugu sameeyaan dawladda hadda xilka haysa.

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*