7th September 2024  admin  Category :

  1. Mustafa Kemal Ataturk, taliye ciidan oo ka tirsanaa dowladdii Cusmaaniyadda, ayaa dhidibada u taagay Jamhuuriyadda casriga ee Turkey 1923.
  2. Waxa uu soo rogay xukun adag oo calmaani ah, oo kala sooca dowladda iyo dhammaan astaamaha diinta.Ilaa berrigaa, ciidanka ayaa afgembiyay afar dowlad oo ay u arkayeen inay halis ku yihiin xukunka calmaaniga ah.
  3. Xukunka noocaas ah waxaa uu horseeday in dadka muslimka ah ay dareemaan caburin iyo cadaadis uga yimaada dowladda iyo askarta.
  4. Laakiin Recep Tayyip Erdogan oo isaga qudhiisa ba ay xirtay dowladda calmaaniga ah dhowr jeer, ayaa bedelay xeerarkii adkaa ee calmaaniga ah tan iyo markii uu xukunka qabtay 2003dii.
  5. Waxa uu tagaaeero balaaran oo aysan wax shuruud ah ku xirneen helay bulshada qeybteeda muslimiinta ah ee calmaaniyada kasoo horjeeday.Waxa uu soo rogay xeerar loo arkay inay u adeegayaan diinta iyo kuwa loo arkayay in uu awooddiisa ku kordhiyay.
  6. Markii ugu horreeyay waxa uu noqday Raysal wasaare isaga oo 2014kii noqday madaxweyne. Waxaa uu xoojiyay awoodda madaxweynaha kadib afgembigii fashilmy ee 2016kii.
  7. Kadib labaatan sano oo uu ahaa siyaasiga ugu saameynta badan, dadka qaar ayaa ku tilmaama in uu yahay hoggaamiyaha ugu awoodda badan Turkey waixii ka dambeeyay Ataturk.ReutersCopyright: ReutersArticle share tools

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*