27th July 2024  admin  Category :

Goobtii Xasan Culusoow soo  sahansaday in doorashada lagu qabto oo laga bedelay

Sawirka sare Waa maleeshiyaad  beeleedka Xasan Culusoow oo marna afka soo duubta marna sheegta ciidan qaran

Guddiga Doorashadda MadaxweynahaSoomaaliya,  ayaa Shaaciyay  in laga wareejiyay dugsiga tababarka ciidamada Boliiska Jen. Kaahiye oo lagu waday in ay ka dhacdo  doorashada madaxweynaha, kaddib markii ay ka baqeen  qaar ka mid  ah musharraxiinta u tartamaya xilka madaxweynaha. Sababtoo ah waxay ahayd meel uu horay u soo sahansaday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Culusoow oo intuu xilka hayey Muqdisho lagu dilay Xildhibaano badan oo ka mid ah baarlamaanka sOOMAALIYA

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada maxaweynaha  Cabdiraxmaan  Ducaale Beyle oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in guddigooda ay isbaddal ku sameeyeen halkii lagu qaban lahaa doorashadda kaddib cabasho ka timid qaar ka mid musharrixiinta.

Xildhibaan Beyle ayaa sheegay in guddiga doorashadda ay go’aamiyeen  doorashadu in ay ka dhacdo Xarunta Afisyooni ee ciidamada Cirka, halkaa soo  u dhaxeysa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde  iyo Dugsiga Tababarka Booliska ee Jen Kaahiye.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*