31st January 2023  admin  Category :

Dhooba daareed iyo Dhoore oo doonaya inay Bad baado Maakhir sidii Khaatumo Hargaysa geeyaan.

Sida ilo lagu kalsoon yahay noo sheegeen waxa maalmahan socday wada hadalo u dhaxeeyey Abdirahman Dhoore , Cabdikariim Dhoob Daareed iyo Beesha Isaaq.

Siyaasiyiinta Isaaq oo dhowaan ku shiray magaaada Hargaysa ayaa isku raacay, mar haddii beesha Warsangeli ka maqan yihiin baarlamaanka iyo maamulkooda waa inaynu siinaa waxay ugu yeedheen Xil sharafeed iyo wasiiro mug leh oo lagu qurxiyo maamulka, si bulshada Caalamka iyo siyaasiyiinta Koonfureed xujo uga dhigin maamulka Somaliland looma dhama

Markii ay arintan ah in Warsangeli la siiy Xil sharafeed, oo ah waxaan jirin iyo musuqmaasaq ay isku raaceen siyaasiyiinta beesha Isaaq ee sedexda Xisbi, ayeey waxay is waydiiyeen cidday adeegsan karaan oo u dhego nuglaan karta, horayna xiriir uga dhaxeeyey

Maalmihii u danbeeyey oo wada hadladadu u dhaxeeyey Dhoore, Dhooba daareed iyo beesha Isaaq ay xawli u socdeen ayaa sida la sheegay inay u dhdhowdahay in dhowaan Hargaysa ay ka wada degaan Dhore iyo Dhoobo iyaga oo hadda ku wada sugan Dalka Turkiga oo ahayd halkii ay ka socdeen wada hadaladdii sadex geesoodka ahaa .

Maaha markii ugu hiraysay oo inta Urur la samaysto SNM lagula saaxiibo, jidkan waxa horay u qaaday Khaatumo.

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*