28th March 2024  admin  Category :

Guddigii farsamada ee Rooble u xilsaaray xallinta xasaradihii dhawaan ka dhex dhacay beelaha Hawiye

Kulan uu shir guddoomiyay Ra’iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ka dhacay hoyga Madaxweynaha Galmudug ayaa looga dhawaaqay go’aannadii ka soo baxay guddigii farsamada ee Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble u xilsaaray xallinta xasaradihii dhawaan ka dhacay Beelaha Hawiye

Qodobada heshiiska galabta lagu gaaray magaalada Muqdisho waxaa ka mid ah:

  1. In dhamaan Ciidamadii ku yimid xiisadaha ka dhacay magaalada Muqdisho dib loogu celiyo goobihii ay ka yimaadeen loogana saaro magaalada muddo 48 saac ah oo ka bilaabanaysa 05-05-2021.
  2. In xuquuqda ciidamadaas sida: Mushaarka, Darajooyinka iyo Xilalka wax saamayn ah ku yeelanin qalalaasihii ka dhacay magaalada Muqdisho loona raacan karin wax ku saabsan dhacdadaas.
  3. In si gooni ah loo xaliyo Saraakiisha leh duruufaha gaarka ah, sida: Darajooyinka, Mushaaraadka iyo Xuquuqda kale ee Ciidan.
  4. In kalsooni laga dhex abuuro hay’adaha amniga iyo siyaasiyiinta qaba tabashooyinka amni.
  5. In Ra’iisul Wasaarahu soo saaro wareegto uu ku farayo taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida.
  6. In aysan ku milmin arrimaha Siyaasadda.
  7. In aysan bixin ammarro ay ka dhalan karto khalkhal amni iyo mid siyaasadeed.
  8. In la magacaabo guddi khubaro Ciidan ah oo kala taliya Ra’iisul Wasaaraha dib u habaynta Ciidamada Qaranka.
  9. In aan Ciidamada Qalabka sida loo adeegsan arrimo siyaasadeed, faragalinna lagu samayn.
  10. In dhamaan dhinacyadu ay joojiyaan ficilada iyo hadalada abuuri kara colaad iyo nacayb.
  11. In lasoo celiyo gaadiidka iyo hubka gaarka loo leeyahay ee lagu kala qaatay dagaaladii ka dhacay Muqdisho lana soo daayo dadkii loo xiray.
  12. Fulinta qodobadaan waxaa masuul ka ah Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadiisa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*