26th December 2024 admin Category :
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hawlo shaqo u jooga Casimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa Maanta 31 December 2016 waxa uu kulan kula qaatay magaalada Muqdisho danjiraha Dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya.
Kulankan oo kadhacay xarunta safaarada Turkiga ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa madaxweynaha iyo danjire Oglan Bekar kaga wadahadleen arrimo la xiriira xiriirka soojireenka ee Dawladda Puntland iyo Dawladda Turkiga, mashaariicaha hurumarineed ee Dawladda Turkigu ka fuliso Puntland iyo abaaraha baaxadaleh ee ka jira Puntland.
Ugu horayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed cali Gaas ayaa kala hadlay Danjiraha Dawladda Turkiga u Fadhiya Soomaaliya wanaajinta iyo dar-dar gelinta xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Dawladda Turkiga iyo Dawladda Puntland.
Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa Danjiraha Dawladda Turkiga uga xog waramay xaaladda abaareed ee ka jirta Puntland, islamaarkaana waxa uu madaxweynu tibaaxay inay muhiim tay in laga arrinsado sidii looga wadda qayb qaadan lahaa Gurmadka loo fidinaayo dadka abaaruhu sameeyeen, geesta kale madaxweynaha ayaa kala hadlay safiirka mashaariicaha horumarineed ee ay Dawladda Turkigu ka filiso Puntland iyo sidii loo sii horumarinlahaa loona dardar gelin lahaa.
Danjiraha Dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mr. Oglan Bekar ayaa dhankiisa sheegay inay diyaar u yihiin horumarinta iyo xoojinta xidhiidhka labadda Dhinac.
Dhinaca kale Mr. Oglan Bekar ayaa cadeeyey inay Gacan ka gaysan doonaan gurmadka abaareed ee lagu caawinayo dadka abaartu wax yeelaysay ee reer Puntland, sidoo kale danjiraha ayaa tilmaamay inay diyaar u yihiin horumarinta mashaaricaha horumarineed ee Dawladda Turkigu ka fuliyaan Dawladda Puntland.
Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markasta ku hawlan sidii dawladda puntland iyo shacabkeedu beesha caalanka ula yeelan lahaayeen xidhiidh suurto geliya horumarinta danaha shacabka iyo kan dawladda.