26th July 2024  admin  Category :

SHIRKII BEELHA HAWIYE EE MUQDISHO EE WAR MURTIYEED LAGA SOO SAARAY

War murtiyeed ka kooban lix qodob ayaa kaga soo saaray shirkii ka socday Hotelka Decale ee u dhaxeeyay Ra’iisul Wasaare Rooble, Musharaxiinta Beelaha Hawiye iyo Madaxda maamul goboleedyada beelaha Hawiye ee Galmudug iyo Hirshabelle.

Shirkan oo saacado badan qaatay ayaa la isku afgartay in bannaan baxa berri oo jimco ah in dib loo dhigo, isla markaana muddo 10 cisho gudahood ku dhaco, iyadoo dowladdu qaadaneyso doorkeeda sugidda Amniga.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay inay k xuntahay wixii dhacay 19 Febraayo isla markaana ka tacsiyadeyneyso, iyadoo Guddi madax bannaan loo saaray, kuwaasoo baaritaan ku sameeya wixii dhacay.

Waxaa la isku afgartay in arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka wada hadalkooda la sii wado, si loo gaaro qabashada doorashooyin xor iyo xalaal ah.

halkan hoose ka akhriso:-

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*