26th April 2024  admin  Category :

Somalia waxa ka dhintay saxiib waxtar leh.Allaha unaxariisto, qabrigiisana u nuuriyo Shiekh Sabaax Al-Axmed Al-Sabaax o aha amiirki dalka Kuwait.

Inti u aha wasiirka ama amiirka dalka Kuwait, Somalia wuxu u qabatay ama u dhisay intaan o mashruuc:- Warshadi korontada Muqdisho e ku taalay Jeziira- Telefishiinki qaranka- Mashruuci daaqa xoolaha- Garoonka diyaaradha e Garowe- Jaamacada Maakhir e gobolka Sanaag- Weyneenta iyo qalabeynta garoonka diyaardaha e Hargeisa- Kollejada caruurta agoonta e Hargeisa- Deeq waxbarsho e heer jaamacada Kuwait e sanad walba la siiyo ardayda Somalida o ay wax ku barteen boqolaal Somali ah.- U ogolaanshaha ardayda jaaliyada Somalida e Kuwait inay lacag la’aan ku dhigtaan sida Kuweitiyiinta waxbarashada dugsiyada hoose iyo ila sare e dawlada iyado xata jaaliyadha kale e carabta ah lo diiday caruurutooda dugsiyada dawlada ka dib dagaalki Ciraaq ku qaaday Kuwait.Wuxu aha nin jecel Somalia iyo Somalida, kana gatay Somalia dhul ku yaalay Afgooye sanadahi1970yadi, halkaas u ka sameystay guri iyo beer u sanad walba u imaan jiray fasax dagaalki sookeeye ka hor.Inta u madaxda aha, Kuwait waxay waxtar iyo mashariic u fiidisay wadama badan o ah sabool kana mid ah Afrika, Asia, Carabta iyo Muslimiinta dalalkooda.Waxayna ku dhaqantay siyaasada ah ineeyan marnaba faragelin arrimaha Somalia iyo dalalka kale.Anigo ku hadlaaya magaca Somalida badan e waxtarkiisu so gaaray ama taabtay, waxaan ku leeyahay mahadsanid wa jazakulaahu kheyran.Ilaahay haka abaalmariyo wanaagaga, janaatul culya ha ku geeyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*