26th July 2024  admin  Category :

Inta badan wasiiradii Puntland maanta Bacaadka Muqdisho ayeey taagnaayeen,halka Caalamka iyo SNM Mashaariic kala saxiixanayeen

Inta badan wasiiradii Puntland, Bacaadka Muqdisho ayeey taagnaayeen si ay u soo dhoweeyaan RW Khayrehalka Caalamka iyo SNM Mashaariic kala saxiixanayeen.

UK, Denmark iyo Netherland ayaa Somaliland la saxeexday heshiis lagu fulinayo afar mashruuc oo muhiim ah kuwaas oo qayb ka ah wajiga labaad ee SDF.

*Mashaariicdan ayaa kala ah dib u dhiska waddada isku xidha Berbera iyo Burco.

*Mashruuc lagu horumarinyo Beeralayda Awdal iyo Maroodi-jeex.

* Biyo balaadhinta Caasimadda Hargeysa ayaa ah mashruuca saddexaad.

* Mashruuca Afraad ayaa ah dhismaha Deked yar oo Kalluumaysi taas oo laga dhisayo magaalo xeebeedka Maydh ee gobolka Sanaag.

Saddexda Safiir ee Waddamadan u qaabilsann Soomaaliya ayaa sheegay in mashaariicdan lagu saleeyay Qorshaha horumarinta Qaran ee Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*