26th July 2024  admin  Category :

Ciidammada Daraawiishta Dawladda Puntland ee Beder iyo Uxud ee dhowaan Tabarbarka loo soo xiray ayaa u ambabaxay Furimaha Difaaca Puntland ee ay horay u fadhiyeen.

Ciidammadan ayaa loo dhamaystiray dhammaan gabkii Ciidammada waxana saakootiyay Gudoomiyaha gudiga dib uhabaynta Ciidammada ahna Wasiirka Maaliyadda Mudane Xasan Shire Cabdi,Wasiirka Amniga Mudane Cabdisamad Maxamed Galan,Taliyaha Guud Ciidammada difaaca Puntland Gen Yaasiin Cumar Dheere iyo Taliyaha Ciidammada Booliska Puntland Sareeyo Guuto Cabdi yare.

Dhowaan ayay ahayd markii Madaxwaynaha Dawladda Puntland Mudane Dr Siciid Cabdulaahi Deni uu Tabarbarkii Ciidammadan u soo xiray waana talaabo dhanka horumarka Ciidammada oo horay loo qaday.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*