26th July 2024  admin  Category :

Turkiga oo diyaarad Ambulance u diray muwaadin Sweden KAGA XANUUNSANAYEY

Dowladda Turkiga ayaa diyaarad Ambulance ah u dirtay hal muwaadin oo Turki ah oo ku xanuunsanaa dalka Sweden, kaddib markii laga daweyn waayey xanuunka Coronavirus oo uu la bukay.

Gabadh uu dhalay ninka xanuunsan oo lagu magacaabo Leyla ayaa dowladda Turkiga ka codsatay in loo gurmado abbeheed

Sida dhacdadaan oo ka dhacday Wadanka Sweden  kadib markii Nin 47 jir ah oo ka soo jeeda wadanka Turkiga uu ku dhacay xanuunka Coronavirus, isaga oo qandho Saayidda ah iyo Neefta oo qabatay iskugu darsantay ayeey Gabdhihisu la soo xiriirtay Xarumaha cafimaadka

Markii Cisbitaalka lakenay Dhakhatiirtii waxay ku yiraahdeen xaafada u Kaxeeya kiniiniga qandho jabinta ahna siiya meeshii ay ka filayeen in la jiifiyo abaheed d cisbitaalka si uu uhelo daryeel ka uu ubahan yahay.
Intaa ka dib markii ay xaafada keeneen gabdhihii mudo ayeey lasoo xiritreen Dhakhaatiirtii si Aabohood u helo daryeel cafimaad oo ku filan waxayna samEeyeen inay Baraha Bulshada ku soo qoraan qoraalo ay ku dalbaneyeen in aabahood la cawiyo.

Ugu Danbeyn waxay Gaartay fariimihi Gabdhuhu direen Madaxwenaha Wadanka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan , oo dhakhso uga so jawaabay Kuna yiri Cisbitaalada iyo dhaKhatiirta wadanka Turkiga wa idiin Diyaar, wuxuuna uu usoo Diray Diyarad khaasa oo lagu qaado abahood oo Saaka kasoo degtay Mugalada Molmö, Sweden, kadibna Qaaday abahood si uu u helo daryeel cafimaaad oo uu ubaahan yahay Allah ayaa waa cafiyee.

Turkiga ayaa dadkiisa ka guranaya dalal badan oo aduunka ka mid ah oo ay Soomaaliya ka mid tahay

https://twitter.com/i/status/1254333201255981057

Turkiga ayaa dadkiisa ka guranaya dalal badan oo aduunka ka mid ah oo ay Soomaaliya ka mid tahay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*