10th January 2025  admin  Category :

Cali Yare iyo Sakariye Xaaji, oo hadda taageera Farmaajo, horayna u taageeri jiray Ururkii Argagixisada ahaa ee Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo markii danbe noqday Maxaakiimta, kana sii noqday Alshabaabka aynu manta naqaano . Ururkaas oo Askartii Puntland laga qaaday ee la socday madaxweyne Cabdulaahi Yusuf intay Muqdisho ku dilaan dhulka ku jiidi jiray iyaga oo ku sheegi jiray inay Itoobiyaan yihiin ama taageeraan, ayaa Sakariye Xaaji cabdi wuxuu ka mid ahaa madaxda uGu saraysa

Sawirka kore waa Askari Puntland ka tegay oo la dilay xilligii Cabdulaahi Yuusuf Allah ha u naxariistee uu raadinayey Qaranimo Soomaaliyeed

Kalla jecleesiga wadamada Safka hore oo Sakariye Asmara, hadda leeyahay waa inaan qoryaha u qaadano oo Kenya iska xoreynaa sidoo kale xildhibaan Idris oo ah Ammxaar af Soomaali ku hadla oo Nabad iyo Nolol ay ka dhigtay xildhibaan baa isna ereyo xanaf leh ku hadlaya.

Waxaa la gaaray xiligi guulwadayaasha NN hurdada laga toosin jirey sidii Maxaakimta iyo Isbahaysigi Asmara ee lagaga soo horjeeday Allah ha u naxariistee C/laahiYuusuf . Talada uGu fiican ee Soomaali qaadan karto, marka laga yimaado kuwa la midka ah Sakariye Xaaji oo ahaa ku xigeenka kowaad ee gudiga fulinta ee Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ee Xaruntoodu ahayd Asmara Eretereiya, waa inaan la kala jecleesan shisheeye oo Soomaali iska wada saaraan wadamada safka hore Itoobiya Jabuuti iyo Kenya ee ummadda yaan lagu wareeerin wadaniyad beena iyo xuduud beenaad weeye NFD

Hoos ka akhriso maalmihii dhalinyarada reer Puntland ay naftooda u hurayeen sidii Qaran Soomaaliyeed loo helo waxay qorayen Sakariye Asmara iyo Cali yare oo ah taageerayaasha uGu dhow madaxweyne Farmaajo

MIDOWGA ISBAHEYSIGA DIB U XUREYNTA JAMHUURIYADDA SOMALIYA OO NASOO GAARSIIYAY DHISMAHA CUSUB EE GOLAHA FULINTA. | Somali News Politics Documentaries Music Videos Intertainment

ISBAHAYSIGA DIB U XOREYNTA JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA

XEERKA ISBAHAYSIGA

Horudhac

Soomaaliya 20kii sano ee la soo dhaafay waxay ku jirtay colaad iyo dagaallo sokeeye oo aafeeyey ummadda, saameeyeyna nolosha bulshadda. Dadkii waxaa loo diiday nabadgelyo iyo nolol, waxaana laga hor istaagay in ay aayahooda ka tashadaan.

Wadankii wuxuu u kala googo’ay maamul goboleedyo iyo qaybo gacanta u galay hogaamiye kooxeedyo naxariis laawayaal ah. Inkastoo dalku dowlad la’aan ahaa, misna marna halis ma gelin qaranimadii iyo madaxbanaanidii ummadda Soomaaliyeed.

Duulaanka qaawan ee dowlada Itoobiya ay ku qabsatay Soomaaliya wuxuu khilaaf sanyahay dhammaan sharciyada caalamiga ah wuxuuna xadgudub ku yahay go’aanadii Golaha Amaanka.

Duulaankani oo ku xadgudbay madaxbanaanidii iyo qaranimadii Ummadda Soomaaliyeed waxaa dalka kusoo hogaamiyey hogaamiyey kooxeedyo ay dowladda Itoobiya u yagleeshay wadanka kuna sheegtay in ay dowlad Soomaaliyeed tahay.

Duulaanka dawladda Itoobiya wuxuu gaystay, dil, dhac, barakac, boob iyo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda bani’aadamka. Shacabka Soomaaliyeed meelkastoo ay joogaan waxey arrinkan ka bixiyeen jawaab, waxayna ka mideysan yihiin in la sameeyo xoog heer qaran ah iyadoo xooggaga kala duwan ee bulshadda ay isku raaceen in ay mideeyaan maalka, maskaxda iyo muruqa Ummadda Soomaaliyeed si cadowga dalka looga xoreeyo, islamarkaana, Beesha Caalamka laga dhaadhiciyo qadiyada Ummadda Soomaliyeed ee dulman.

 Waxaa la aasaasay isbahaysiga lamagac baxay Isbahaysi dib u Xoraynta Soomaaliya taariikhdu markay ahayd 13/09/2007  

1 Qeybta 1 Mabaadii’da iyo Ujeedooyinka Isbaheysiga QODOBKA 1 Magaca iyo qeexidda Isbaheysiga            

1. Magaca Isbaheysigu waa Isbahaysiga Dib u Xoraynta Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.                         

 2. Isbaheysiga Dib u Xoreynta Jamhuuriyadda Soomaaliyeed waxaa isku baheystey oo uu ka koobanyahay:  

a) Barlamaanka Xorta Ah,

b) Golaha Midowga Maxaakiimta Islaamiga Soomaliyeed,

c) Qurbajoogta Soomaaliyed,

d) Bulshada Rayidka ah

e) iyo xubno Soomaalida dhexdeeda magac ku leh  kuwaasoo isku raacay in ay isu geeyaan awooddooda maskaxeed, dhaqaale, ciidan, siyaasadeed iyo waxkasta oo karaankooda ah si ay marka hore dalka uga xoreeyaan cadowga Itoobiya oo kaashanayay quwado shisheeye ee sida sharci darada ah ku qabsaday dalka, kadibna ugu sammeeyaan dowlad caadil ah oo u adeegta dadka,diinta iyo dalka Soomaaliyeed.             

3. Isbahaysigu wuxuu sii haynayaa xilka dalka marka uu xoreeyo muddo 3 sanno ah uu ku qaban-qaabinaayo doorashooyin xor ah oo madax banaan.  QODOBKA 2 Shicaarka ama Astaanta Isbaheysiga.  

Maro buluug ah oo dhexda ku leh xiddig cad iyo laba waran oo is dhaafsan oo salkooda kitaab kala furan saran yahay. Waxaana ku wareegsan labo laamood oo qumba ah oo salkoodu is dhaafsan yahay baarkooduna isku soo dhaw yahay.  

 QODOBKA 3 Xarunta Isbaheysiga  

Xarunta Isbaheysigu waa Muqdisho Caasimadda Soomaaliya, wuxuuna laamo ka furanayaa gobollada dalka iyo dibadiisa. 

 QODOBKA 4 Luqada Isbaheysiga 

 Luqadda rasmiga ah ee isbaheysigu waa af-Soomaali iyo Carabi, iyadoo afafka kalena loo adeegsan doono hadba baahida loo qabo. 
 

2 QODOBKA 5 Aragtida Isbaheysiga  

Dib u dhiska Mujtamac Soomaaliyeed oo ka madaxbannaan qabyaaladda, lehna wacyi iyo garaad qarameed oo ku filan, garanaya waajibaadkiisa iyo xuquuqdiisa, kuna noolaada gobanimo buuxda, nabadgelyo, cadaalad iyo sinnaan.  

QODOBKA 6 Ujeedooyinka Isbaheysiga  

Dib u xoreynta dalka iyo dib u heshiisiin dhab ah oo u danaynaysa shacbiga soomaaliyeed, in la sugo nabadgelyada muwaadinka Soomaaliyeed, baaritaana lagu sameeyo danbiyadii laga galay ummadda, in sidoo kale wax loo qabto dadkii lagu barakiciyey duulaankii cadowga, isla markaasna loo dhiso dowlad u soo celisa shacabka Soomaaliyeed gobanimadiisa la lumiyey, taasoo dhowri doonto caqiidadiisa islaamiga ah, taariikhdiisa soo jireenka ah, dhaqankiisa suubban iyo hantida guud iyo tan gaarka ahba.  

QODOBKA 7 Sida Isbaheysigu ku Gaarayo Ujeeddooyinkiisa  

Fulinta iyo meel-marinta ujeedooyinka Isbahaysiga waxaa loo marayaa arrimaha hoos ku qoran:             

1. Xoojinta muqaawamada iyo la dagalaanka cadowga si looga xoreeyo dalka.             

2. Mideynta maskaxda, muruqa iyo maalka shacabaka Soomaaliyeed si meel looga soo wada jeesto cadowga dalka Soomaaliyeed xoogga ku haysta.             

 3. Wacyigelinta bulshadda, iyadoo laga faa’iidaysanayo aqoonyahanka, culimada, suugaanleeyda, iyo dadkeena khibradda cilmi iyo hogaaminba leh.             

4. Soo bandhigidda dhibaatooyinka iyo tacadiyada uu geysanayo gumeystaha iyo kuwa la shaqeeya.             

5. Wadahadallo nabadeed oo dhab ah in la galo si loo xalliyo dhibaatooyinka soo gaaray ummadda Soomaaliyeed iyadoo loo maraayo dhabo sax ah.            

6. Furida Xafiisyo iyo xarumo laga fidiyo siyaasadda Isbaheysiga, isla markaana loogu sharaxo qaddiyadda Shacabka soomaaliyeed ee dulman beesha caalamka, saaxiibadda Soomaaliya iyo inta nabadda jecel.  

3 QODOBKA 8 Mabaadii’da Isbaheysiga            

1. Ku dhaqanka shareecadda Islaamka.             

2. In Midnimada, xoriyada iyo madaxbanaanida siyaasadeed ee ummadda Soomaliyed ay tahay lama taabtaan.             

3. In cadowga wadanka haysta laga saaro iyadoo loo marayo wada kasta oo suura gal ah.             

4. In xalka Soomaalidu uu ku jiro in Soomaalida loo madax banneeyo arrimaheeda, lagana fogeeyo faragelinta shisheeye.            

5. In la ilaaliyo dhaqanka Islaamka ee suuban ee Soomaalida.             

6. Isbahaysigu wuxuu aaminsan yahay mabda’ah deris wanaagga, is-xurmeynta iyo xiriir wanaagsan oo lala yeesho dalalka deriska ah iyo caalamka intiisa kale.             

7. Isbahaysigu wuxuu kasoo horjeedaa gumeysiga nooc kasta oo uu yahay, sidoo kale waxa uu diidan yahay xasuuqa, barakicinta iyo baabi’inta hantida shacabka Soomaaliyeed.             

8. Isbahaysigu wuxuu aaminsanyahay hirgelinta mabda’ sinaan, cadaalad iyo wadaninimo wada gaarta shacabka Soomaaliyeed.             

9. Xuriyaadka asaasiga ah waa xaq uu muwaadin kasta leeyahay mar haddii uusan ka hor imaanaynin shareecada islaamka.             

10. Dib u dhiska dalka horumarintiisa, & abuuridda fursado shaqo oo daboola baahida shacabka uu u qabo arrimaha noocaan ah iyo u howlgelidda dowlad wanaag iyo xukun caadil ah.             

11. Daryeelka maatada dhibku ka soo gaaray dagaaladii sokeeye iyo waxyeelada Cadowga dalka iyo dadkaba ku soo duulay.   

4 Qeybta 2: Xubinnimadda

QODOBKA 9 Shuruudaha Xubinnimada Isbaheysiga

1. Waa in uu yahay Soomaali qaan gaar ah, una diyaar ah ka qayb qaadashada xaqiijinta ahdaafta isbahaysiga.             

2. Waa in uu yahay ruux leh hufnaan kuna qanacsan mabaadi’da isbahaysiga iyo ujeedooyinkiisa una hogaansama nidaamkiisa iyo xeerarkiisa.             

3. Waa in uu yahay qof u diyaar ah in uu naftiisa iyo maalkiisa u huro difaaca diintiisa, dadkiisa iyo dalkiisa.             

4. Waa in uu u soo gudbiyo codsi maamulka Isbaheysiga goobta uu markaa degan yahay kuna soo lifaaqo caddeyn ku saabsan taariikh nololeedkiisa, islamarkaana ay soo gudbiyaan laba oo ka mid ah xubnaha isbahaysiga helaanna ogolaashaha maamulka deegaankiisa.             

 5. Waa in uusan khatar galinayn diinta iyo dalka isla markaasna bixiyaa lacagta xubinnimada.  

QODOBKA 10 Waayidda Xubinnimada

1. Inuu ka maqnaado saddex kulan oo is xigta cudurdaar la’aan qaybta uu ka tirsan yahay.             

 2. Inuu iskiis isku casilo.             

 3. In ay sugnaato in uu la yimaado xadgudub iyo dhaqan xumo aan ku banaanayn shareecada islaamka ama aan la socon karin ahdaafta iyo mabaadii’da isbahaysiga waxaana u furan maamulka in uu kala laabto xubinnimada haddii ay isku raacaan kalabar lagu daray hal ama 50 + 1(cod hal dheeri ah).            

4. In uu bixin waayo qaaraanka xubinnimada ururka.            

 5. Ka mid noqosho isbahaysi leh ujeedooyin ka soo horjeeda kuwa isbahaysiga 
 

5 Qeybta 3 Qaab dhismeedka Isbaheysiga

QODOBKA 11 Hay’adaha Isbaheysigu Waxay ka Kooban Yihiin

 1. Shirweyne

2. Golaha dhexe ee Isbahaysiga

3. Golaha Fullinta

QODOBKA 12 Shirweynaha iyo shaqadiisa

 Shirweynuhu waa ergadda ka qeyb gasho shirka la isugu yeero dhammaan xubnaha Isbaheysiga ka kooban yahay sida midka hadda ka dhacay

Asmara, Eriterea, September 6-14, 2007, wuxuuna qabanayaa:            

1. Ansixinta barnaamijka siyaasadeed iyo xeerka isbaheysiga.             

 2. Ansixinta xubnaha golaha dhexe ee Isbaheysiga             

3. Marka ay dhamaato mudada uu shaqaynayo golaha dhexe oo ku siman 3 sano (13/09/2010), waxaa la isugu yeerayaa shirweyne ama kal fadhi lagu dooranayo Gole Dhexe.  

sbahaysiga Dib u Xoreynta Somalia oo waftigii ugu cuslaa u diray Gudaha Dalka Som

Wafti ka socda Isbahaysiga dib u xoreynta Somalia oo soo cagadhigtay Magaalada
Kismaanyo.Wafdigii aad u balaaran oo ka socda Isbahaysiga Dib u xoreynta
Somalia,ahna kii  ugu Cuslaa tan iyo intii lagu dhawaaqay Isbahaysiga ayaa ka
dhoofay Caasimada dalka Eratera ee Asmara, iyaga oo ku sii jeeda Gudaha dalka
Somalia, gaar ahaan  Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka J/Hoose oo ay dhawaan
gacan ku heynta  maamulkeeda la wareegeen.Wafdigan oo ka kooban 7 Xibnood oo kala
ah: 
Sh Hassan Mahdi     xoghayahacadaalada iyo garsoorka
Dr Mohamed Axmed Maxamed Dr Maxamed Dheere   Xoghayaha
Caafimaadka.
Dirshe axmed Wacays (diriye)  Xoghayaha arimaha gudaha
Abdinaasir Seerer Maax                                    
    xogahayaha golaha dhexe Muse Abdi Arale                                       
   xogahayaha arimaha bulshadaMaxamed A Adeec                            
    xoghayaha ku xigeenka dib u heshiisiinta. Ismail Xaaji Adow    
    xoghayaha daryeelka iyo arimahakheyriga

Wafidigaas ayaa waxaa lagu wadaa inuu kulumo isdaba joog ah la qaato  Sh
Xassan Turki iyo maamulka 3 gobol. sidoo kale waxay gacan ka geysan doonaan
dhisitaanka maamulada la rajeynayo in laga sameeyo jubooyinka. sidoo  wafdiga ayaa
ka wada dhambaalo khaas ah  oo saaxib tinimo iyo shaqaba . Gudoomiyaha Isbahaysiga
Sh Hassan Dahir Aweys iyo Dr  Cumar Imaan  abu Bakar dhambaaladaas oo ah kuwa
khaaska ah waxa ay si  toos ugu socdaan Sh Hassan Turki.Gudoomiyaha Isbahaysiga dib
u Xoreynta Somalia Sh: Xasan Dahir Aweys oo waftigan ku sii sagootiyay gagida
dayuuradaha ee magaalada  Asmara ayaa sidoo kale Wafdigaas ku wareejiyay  shixnado
daawooyin ah oo loo wado Isbatilka Kismaayo si loogu dabiibo dadka ku taabalaysan
gobolada Jubooyinka .
Sidoo kale Dr Mohamed Dheere oo ah xoghayaha Caafimaadka ahna dhaqtar  waxuu si
mutadawacnimo ah u xoojin doonaa isla markaana gacan gacan ka geysan doonaa
Isbitaalka magaalada Kismaanyo  oo la rajeynayo in mudo ah inuu ka shaqeyn doono
Isbitalka. Madaama ay dhaqaatiirta ku yartahay.Wafidigaas waxuu kaloo sharaxi doonaa
isbadelka ku dhacay Usbaheysiga iyo go, aanka adag ay gaaren in aysan la hadleynin
qolada ku biirtay Embagati ee ka leexday hadafkii Gobanimadoonka ahaa .            
                                       Cali Yare Stokcholm,Sweden.
Cali_yare@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*