26th July 2024  admin  Category :

Marka ay Qabyaaladdu kaa tan badiso Indhaha ayeey kaa ridaa

Raisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa dhowr sano ka hor si qabyaaladaysan , sadbursi ah ugu saxiixay degaanada labo Shabelle iyo Muqdisho Mashaariic dhowr boqol oo milyan ku baxayso oo Dawladda Qadar ugu talo gashay guud ahaan umadda Soomaaliyeed.

Mashruucii kowaad ee ahaa in la sameeyo Jid Muqdisho ka baxaya oo Jowhar aadaya lama bilaabin, sabatuna waxa la sugayaa inta Alshababku ka baxayaan inta u dhaxaysa Balcad, Xawaadleey iyo Qalimoow,

Mashruucii kale ee ahaa Muqdisho Afgooye , isaguna sida muuqata waa istaagay oo shirkadihii dhisayey ayaa isaga soo baxay.

Maalintaas uu Ra’isal wasaare Khayre saxiixayey mashaariicda Labo Shabeelle iyo Muqdisho inta badan degaanada Soomaaliya amni horumar lagu samayn karo ayaa ka jiray sida dhamaystirka jidka Ceel daahir , labo Shabbelle iyo Muqdisho iayaguna waxay u baahnaayeen in amnigooda la sugo

Waa kan maqaalkii aan qornay maalintaas

https://allsanaag.com/mashaariicda-mise-amniga/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*