27th July 2024  admin  Category :

3 qodob ka ogow maalqabeennada wadkooda ku iibsaday wax ka badan hal malyan

Waxaa la xaqiijiyay inay geeriyoodeen shan qof oo dalxiiseyaal ah oo la socday doon yar kuwaas oo maalmahan baadi-goob loogu jiray. Waxaa ka mid ah wiil 19 jir ah iyo aabihii oo ka soo jeeda qoys maalqabeenno ah. Haddaba 3 qodob ka ogoow dalxiiseyaashan wadkooda lacagta badan ku iibsaday.

Wiilka uu aabihii ku qalqaaliyay wadka

Suleman Daa’uud, oo la socday aabbihiis Shahzada, oo 19-jir ahaa ayaa eeddadii waxa ay sheegtay in wiilka uu ka walaacnaa inuu raaco markabka quuso si uu u soo arko burburka Titanic.

Iyadoo la hadlaysay warbaahinta NBC News, ayay Azmeh Daawuud, oo ah da’da ka weyn Shahzada, sheegtay in Suleymaan uu u sheegay qof qaraabo ah inuu dareemay ” argagax” la xiriira safarka, laakiin uu doonayo inuu ka farxiyo oo uu qanciyo aabihiis.

Waxay fuuleen markabka Axadii la soo dhaafay, taasoo ahayd maalinta aabbayaasha ee Waqooyiga Ameerika.

Suleman waxaa dhalay Shahzada Dawood, waana wiil 19 jir ah sida laga soo xigtay warbaahinta UK. Waa nin jecel sayniska khayaaliga iyo cayaarta kubadda laliska.

Shahzada Dawood waa 48 jir guddoomiye ku xigeen ka ah shirkadda Dawood Hercules. Waa shirkad wax maalgalisa oo saldhigeedu yahay magaalada Karachi. Shirkadaas waxay ka mid tahay Dawood Group oo ah ganacsi ay qoys leeyihiin. Sidoo kale waa ninka leh dhaxalka qoyska sida laga soo xigtay wargayska New York Times.

Shahzada wuxu deggan yahay UK, wuxuuna la nool yahay xaaskiisa iyo laba carruur ah oo u dhalay. Wuxuu shahadada Master-ka ka haystaa jaamacadda Philadelphia. Wuxuu kaloo shahaado ka haystaa jaamacadda Buckingham University ee UK.

Kharashka dalxiiseyaasha kaga baxay doonta wadkooda sababtay

Doontan waxay ka samaysan tahay dhuun ama tuubo loogu tala galay in ay qaaddo dhowr qof muddo gaaban.

Doontan waxay ka samaysan tahay dhuun ama tuubo loogu tala galay in ay qaaddo dhowr qof muddo gaaban.

Dhererka Titan wuxuu le’eg yahay 6.7 mitir, ballaciisana waa 2.8 mitir, joogiisana waa 2.5 mitir sida laga soo xigtay shirkadda iska leh ee Ocean gate.

Shirakadda OceanGate oo maamusha doonta ayaa waxay calaa qof ka qaadda 250,000 oo doolar. Wadarta guud ee ay shantan qof ee dalxiise yaasha ah bixyeen ayaa ah “1,250,000” hal milyan laba boqol iyo konton kun oo doolar.

Matoorrada ku xiran doontan oo ah afar matoor waxay siin karaan xawaare gaaraya 5.5 kiloomitir biyaha hoostooda saacadiiba, laakinse dusha sare uma soo saari karaan.

Maxay yihiin waxa ay rabeen inay soo arkaan dadkan?

Titanic

Dalxiise-yaashaan maalqabeennada ah ayaa doonayay inay soo arkaan haraadiga markabkii Titanic ee burburay in ka badan 110 sano ka hor.

Dad badan oo caan ah ayaa horay u soo arkay haraadiga markabkii Titanic waxaa ka mid ah Agaasimihii filimada Hollywood James Cameron, oo gacan ka geystay filimkii Titanic 1997.

Cameron waxa uu 33 uu booqday burburka markabkii Titanic isagoo raacay doomaha quusa.

Dhacdadii Titanic waxaa hadda laga joogaa 111 sano. Inta badan rakaabku way hurdayeen markii ay bilaabatay musiibada. Xilli habeen madow ah ayuu markabku ku dhacay baraf wayn.

Markabku wuxuu ku jiray safar uu kaga tagay magaalada Southampton ee waddanka England waxa uuna kusii jeeday magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Waxa uu markabku ku socday xawaare dhan 41 kiiloomitir saacaddiiba. Saddex saacadood gudahoodba, xilli saq dhexe ah oo ku beegnayd April 14 ilaa 15, 1912-kii, Titanic wuxuu ku quusay Badwaynta Atlantic.

Qiyaastii 1,500 oo ruux ayaa ku geeriyooday markabkaas oo loo malayn jiray in uusan waligiis quusi karin. Dhacdan waxaa lagu tilmaamaa musiibadii ugu xumayd ee badda ka dhacda muddo 110 sano ah oo lasoo dhaafay.

Maxaan ka naqaanaa shanta qof saarnaa doonta

Hamish Harding

Harding waa guddoomiyaha shirkadda Action aviation, waana maal qabeen Britain u dhashay. Shirkaddiisu waxay shirkadaha caalamiga ah, madaxda caalamka, iyo shaqsiyaadka caanka ah ee ku jira madadaalada iyo cayaaraha ka iibisaa dayaaradaha lagu raaxaysto.

Hore wuxuu u noqday, sida laga soo xigtay diiwaanka Guinness, qofkii ugu dhakhsiyaha badnaa ee sameeyey duullimaad lagu dul wareegay dunida, kaasoo isaga iyo koox la socotay ay ku sameeyeen 46 saacadood.

Wuxuu kaloo Bishii June u baxay safar uu soo abaabulay Jeff Besos oo isaga iyo dad kale ay u baxeen halka ugu dambaysa dahaarka dunida ku gedaaman ee hawada sare looga baxo.

Shahzada iyo wiilkiisa Suleman

Shahzada Dawood

Shahzada Dawood waa 48 jir guddoomiye ku xigeen ka ah shirkadda Dawood Hercules. Waa shirkad wax maalgalisa oo saldhigeedu yahay magaalada Karachi. Shirkadaas waxay ka mid tahay Dawood Group oo ah ganacsi ay qoys leeyihiin. Sidoo kale waa ninka leh dhaxalka qoyska sida laga soo xigtay wargayska New York Times.

Shahzada wuxu deggan yahay UK, wuxuuna la nool yahay xaaskiisa iyo laba carruur ah oo u dhalay. Wuxuu shahadada Master-ka ka haystaa jaamacadda Philadelphia. Wuxuu kaloo shahaado ka haystaa jaamacadda Buckingham University ee UK.

Suleman Dawood

Suleman waxaa dhalay Shahzada Dawood, waana wiil 19 jir ah sida laga soo xigtay warbaahinta UK. Waa nin jecel sayniska khayaaliga iyo cayaarta kubadda laliska.

Paul-Henry Nargeolet

Wuxuu ku magac dheer yahay “Khabiirka Titanic” sida lagu qoray barta shirkadda Ocean Gate. Wuxuu horkacayey 6 goor oo socdaal lagu aaday markabka Titanic ee badda hoosteeda fadhiya.

Wuxuu kaloo agaasime ka yahay shirkad Ameerikaan ah oo cilmi baarista badda hoosteeda ah samaysa oo la yiraahdo RMS Titanic Inc, taasoo haysata xuquuqda wixii ka badbaaday markabka Titanic.

Stockton Rush

Waa madaxa shirkadda Ocean Gate, waana naakhuudaha wada doonta la la’ yahay. Markii uu 19 jir ahaa wuxuu noqday duuliyihii ugu da’da yaraa ee kaxeeya dayaarad xamuul.

Wuxuu noqday duuliye duuliya dayaaradda DC8. Wuxuu shahaadaha handasada ka qaatay jaamacadda Princeton 1984, shahaadada masterkana wuxuu 1989 ka qaatay Berkeley Haas School of Business.

BBC

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*