26th July 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Cali Maxamed Xirsi ( Cali Puntland ) oo ku geeriyoodey magaalada Boosaaso.

Marxuum Cali Puntland waxa uu ka mid ahaa haldoorka Puntland kuwa ugu firfircoon oo jecel horumarka, xasiloonida iyo wanaagga shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland, waxa uu ka shaqayn jirey arrimaha bulshada, waxa uu ahaa la-taliye Madaxweyne.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu uga tacsiyaynayaa geerida marxuumka shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland, eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay, waxaana uu Alle uga baryayaa marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabrigana u sakhiro, kuna Abaal mariyo Janatul Fardawsa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*