22nd October 2024  admin  Category :

Jubbaland oo war saxaafadeed ka soo saaray xanibaadii lagu sameeyay Sheekh Shariif

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa war saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay inay cambaareyneyso dhacdadii maanta ka dhacday garoonka diyaaradaha Muqdisho, kaasoo lagu xanibay wafdigii uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ku soo jeeday Kismaayo.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay xanibaada iyo is hortaagga lagula kacay Madaxweynihii hore ay tahay mid ka soo horjeeda shuruucda iyo Dastuurka dalka u yaalla, taasoo muwaadinka Soomaaliyeed xoriyad u siineysa inuu tagi karo, una safri karo meesha uu doono sida ku cad qodobka 21aad farqadiisa 1aad iyo 2aad ee Dastuurka KMG ah.

Halkan hoose ka akhriso war saxaafadeedka:-


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*