2nd December 2022  admin  Category :

BAYAAN SIYAASADEED

Anaga oo ka kooban waxgarad, siyaasiyiin iyo aqoon-yahanno kasoo jeeda Puntland ah, waxaan go’aan ku gaarney in aan dadweynha Soomaliyeed, gaar ahaan, kan Puntland, la wadaagno fikirkayaga ku aadan waayaha adag ee waddanka Soomaaliya marayo, iyo dagaalka joogtadda ah ee Dawladda Federaalka ahi ku hayso Dawladda iyo dadweynaha Puntland. Waxaan kaloo aaminsan nahay in Dawladda Federalka Somaaliya haatan danta dadweynaha iyo siyaasadda waddanka ku wado meel halis ah. Saa awgeed, waxaan go’aansanay in aan fikirkayaga ku soo saaro Bayaankaan Siyaasadeed, si aan dadweynaha Puntland ula wadaagno aragtidayada ku kooban arimahaan soo socda:

1) Hanaan siyaasadeedka Federaalku waa sida keliya oo dib loogu yagleeli karo ummad Somaliyeed oo is rabta, isna jecel iyo Dawlad Somaaliyeed oo gaamur ah, taa oo hanata dadweynaha iyo talada wadanka oo dhan, si waafaqsan ku dhaqanka diinta, dastuurka iyo xeerarka dalka ee lagu wada heshiiyey, dagaalkii sokeeye ka dib.

2) Dawladda Federalka Soomaaliya waxay dagaal bareer ah ku haysaa, rabtaana in ay burburiso Federaalaynta Soomaaliya, weerarkaa oo keenikara halis iyo dalka oo kala googo’a.

3) Talada la gudboon, guud ahaan, Dawlad-Goboleedyada Somaaliyeed, gaar ahaan, Dawladda Puntland.

4) Waxaa lagama maarmaan ah in dadweynaha Puntland ka doodaan in habka Federaalka laga guuro, oo loo guuro habka Confederation-ka (awood-qaysiga baahsan) mar hadii hanaankii Federaalka ay Dawladda Dhexe burburineyso, kana shaqayn la’ yahay.

4) Doorashooyinka DFS ee 2020\2021

1.1- Hanaan siyaasadeedka Federaalka ama Confederation-ku waa kan keliya ee dib loogu yagleeli karo ummadda Somaliyeed oo is rabta, oo is jecel iyo Dawlad Somaaliyeed oo taaba gal ah, taa oo hanata dadweynaha iyo talada waddanka guud ahaan.

Hanaan-siyaasadeedka Federaal-ku ama Confederation-ku waa hab aad uga wanaagsan midkii dadka iyo dalka Soomaaliya hore lagusoo xukumaayey laga soo bilaabo 1960kii tan iyo burburkii hab-dhaqankaas ee 1991dii. Habakaasi wuxuu Soomaaliya iyo Soomaalidaba u keenay burbur iyo colaad mudo hataan soo socotey. Habkii hore wuxuu ahaa mid awooda dawladdu ku koobnayd hal meel ah iyo hal koox ah, halka habka Federal-ka ama Confederation-ku yahay mid leh awood qaybsi siyaasadeed iyo mid sharciba. Habka Federal-ka ama Confederation-ku wuxuu salka ku hayaa in waddanka iyo danaha dadka la wadda xukumo, si looga ilaaliyo in hal koox ahi dawladda maamusho shacabkana ku dulmiso. Hanaanka Federaalka ama Confederation-ka waxaa ku dhaqma dawladaha aduunka ugu awooda badan, khaasatan dhanka dhaqaalaha, siyaasada iyo cududa militeri ahaanba.

Iyada oo fikirkaas laga duulayo ayaa la qaatay Federalism-ka hada jira si waddanka iyo dadka Soomaaliyeed dib loogu yagleelo, iyada oo lagu heshiiyey Dastuur Ku-Meel-Gaar ah oo qeexaaya awoodda Dawladda Federalka Soomaaliyeed. Waxaa la dhisay Dawlad Goboleedyo , inta karaankooda ah, xasilooni ka abuuray dhulka iyo shacabka hoos yimaada. Waxaa ay dhiseen hay’ado loogu talagalay in ay fuliyaan danaha shacbka. Sida oo kale, waxaa habka Federalku suurta geliyey in ummadda Soomaliyeed dhisato dawlad Federaal ah oo loogu talagalay in ay matasha shacabka iyo dalka Soomaliyeed. Lakiin, nasiib daro, Dawladda Federalka Somaaliyeed oo looga baahnaa in ay ka shaqayso isu keenida ummadda Soomaaliyeed iyo dhamaystirka Dastuurka Ku-Meel-Gaarka ahaa, waxaa ay aad isugu mashquulisay la dirirka iyo baabi’inta intii yarayd ee la hir geliyey.

2) Dawladda Somaliyeed iyo dagaalka ay ku hayso arimaha Federalaynta Soomaaliyeed.

2.1- Tan iyo intii la doortay Dawladda uu madaxweyne Cabdulaahi Farmaajo waxaa cad in Dawladda Federalka Soomaaliya baal marareyso Dastuurka dalka.

2.2- Dastuurka Ku-Meel-Gaarka ah ee Dawladda Federalka Soomaaliya ku dhisantan tahay, madaxduna ku dhaarteen, wuxuu qeexayaa in awoodaha Dawladda Federalka ay ugu waaweynyihiin 4ta qodob ee Arimaha Dibedda, Jinsiyada iyo socdaalka, gaashaandhiga iyo lacag-samaynta (daabacca) Qaranka. Laakiin, nasiib daro, waxa Dawladda Federalka Somaaliya la wareegtey dhaaman awoodaha u gaarka ah Dawlad Gobolleedyada.3. Waxaa cad in Dawladda Federalka Soomaaliya faraha kula jirto, kana dambeyso wada-shaqayn la’aanta madaxda Dawlad Gobolleedyada dalka.

2.3- Waxaa cad in Dawladda Federaalka Soomaaliya ku bixiso maal badan cidii madax ka noqon lahayd Dawlada Goboleedyada, sida Puntland, Jubbaland, Koonfur-Galbeed iyo Galmudug, taa oo baal marsan Dastuurka.

3) Talada la gudboon, guud ahaan, Dawlad Gobolleedyada, gaar ahaan, dadweynaha iyo Dawladda Puntland. Wadda jirka ummada Soomaaliyeed, oo isku dhex nool, iskuna maamusha hab siyaasadeedka Federaalka ah, waa lama taabtaan, sida uu qorayo Dastuurka Ku-Meel Gaarka ah. Sidaa darteed, siyaasiyiinta, madaxda dhaqanka iyo wax-garadka Puntland waxaa la gudboon in ay ka shaqeeyaan:

3.1- Soo celinta haybadda, sharafta iyo karaamadda ummadda iyo dalka Soomaaliya.

3.2- Dhisida dawlad Soomaaliyeed oo ka shaqaysa hirgelinta ujeedo loo wadda dhan yahay, dawlaada Soomaaliyeed oo la wada leeyahay, waddan la wadda leeyahay, siyaasadaa lagu midaysan yahay, Dastuur la wadda samaystay oo sida uu yahay loogu dhaqmo, kaa oo ka shaqaya danaha iyo jiritaanka shacabka iyo dalka Soomaaliya. Hadii taasu suurta gal noqon weydey haatan, waxaa haboon in dadka Puntland iyo Dawladduba ka tashadaan raadgoob hab siyaasadeed cusub oo ay ku dhaqmaan, inta laga helayo Dawlad Soomaaliyeed oo hanan karta Soomaaliya.

3.3 In siyaasiyiinta, isimadda iyo wax garadka Puntland ka digtoonaadaan talaabooyinka guracan ee Dawladda Federalka Soomaaliya qaadeyso iyo hagardaamadda ay ku hayso Dawlad Gobolleedyada, gaar ahaan Puntland.

3.4- Waxaa cad in Dawladda Federalka Soomaaliyeed ay waddo dadaalo ay ku majaxaabineyso, kuna curyaamineyso dadweynaha iyo Dawlad Goboleedyada, gaar ahaan, Puntland. Sidaa darteed, waa in Dawladda Puntland aad uga fekertaa, talaaboyinka ku haboonna ka qaadato saamaynta goor dhow iyo mid fogba ee siyaasadda guracan ee Dawladda Federalka, saamaynta ay ku yeelan karto arrimaha nabad-gelayadda, dhaqaalaha, wadda jirka iyo siyaasadda dadweynaha iyo Dawladda Puntland.

3.5- Waa in hogaanka Dawladda Puntland uu dadweynaha Puntland mideeyo, kuna jiheeyo jiritaankooda si ay uga gaashaantaan marxaladaan qalafsan ee siyaasadeed.

3.6- Waxaan kula talineynaa Dawladda Puntland in ay ku dhaqanto waxa ku qoran Qodobka 4aad, Farqadiisa 3aad ee Dastuurka Dawladda Puntland, kaas oo si cad u sheegaaya in “Inta laga dhamaystirayo Dastuur Federaal ah oo Puntland wax ka ansixisay, kadibna afti dadweyne lagu meel mariyey, Puntland waxay lahaaneysaa awood Dawlad madaxbanaan.”

4) Abuuridda fursado iyo hanaan wanaagsan oo ummadda Puntland kaga doodaan sidii loo horumarin lahaa arrimaha Federalaynta ama loogu guuri lahaa hab siyaasadeedka awood-qaysiga baahsan (confederation)

Ka dib markaan aragnay xaaladda halista ah ee uu marayo dalku, gaar ahaan, talaabooyinka guracan ee ay Dawladda Federalku qaadeyso, waxaa lagama maarmaan ah in dadweynaha Puntland ka doodaan, waxna iska weydiiyaan saamaynta iyo weliba waxa laga dhaxli karo siyaasadda guracan ee Dawladda Federalka Soomaaliya. Waa mudan in si aqooni ku dheehantahay lagu lafaguru arrimaha jira, si horumar wanaagsan loo gaaro, halista Dawladda Federalka Soomaaliya ka imaankartana looga hor tago. Sidaa darteed, waxaan talo ku soo jeedineynaa arrimaha soo socda:

4.1- In doodo ku saabsan halka waddanku uu marayo la qabto, waxna layskaa weydiiyo siyaaadda guracan ee Dawladda Federalka Soomaaliyeed.

4.2- In doodahaa ay ka qayb qaataan, bulshada rayidka ah, siyaasiyiinta, sharciyaqaannada, waxgaradka iyo madaxda Dawladda Puntland ee Soomaaliya

4.3- In doodahaas noqdaan kuwo daahfuran oo qoraalo ka soo baxaan, si dooduhu mira dhal u noqdaan.

4.4- In arrimaha Federaalka iyo Confederation-ka (awood-qaysiga baahsan) si dhab ah loogu wacyi geliyo dadweynha Puntland.

4.5- Waxaa cad in Dawladda Federalka Soomaaliya ay dalka u hayaamineyso habkii hore ee dawlad dhexe oo awood dalka wada marooqsata, oo markale burbur horseedeysa. Sidaa darteed, waa in dadweynaha Puntland ka doodaan sidii loogu guuri lahaa siyaaasadda Confederation-ka, mar hadii Dawladda Federalka Soomaaliya ku hawl-lantahay burburinta hanaanka Federaalka ee lagu wada heshiiyey

5) Doorashooyinka 2020/21

Mar haday xukuumadda Dawladda Federaalka Soomaaliya ku guuldaraysatay in ay dhamaystirto Dastuurka Qabyada ah ee Jamhuuriyedda Federalka Soomaaliya, laysna waafajiyo dastuurradda Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federalka Soomaaliyeed, si loo qabto doorasho ku saleysan hal qof iyo hal cod, waxaan talo ku soo jeedineynaa in:

5.1) Dib loo dhigo arrimaha ku aadan Dastuurka Ku-Meel-gaarka ah ee Jamhuuriyedda Federaalka Soomaaliya, ilaa ay dhacdo Doorashada 2020/2021.

5.2) Wadda-xaajood iyo waddatashi cusub laga galo habka doorashooyinka soo socda ee 2020\2021 u dhicidoonto.

5.3) Doorashooyinka soo socda ee 2020\2021 ku dhacaan si laysku-wadda waafaqsanyahay, lagana fogaadaa in qolo gooni ah faramarooqsato qabashada doorashadda

5.4) Siyaasiyiinta, waxgaradka iyo madax-dhaqameedyadu la yimaadaan, firfircooni, taxadar iyo aragti fog, si doorasha hufan u dhacdo 2020\2021, lagana hor tago cimri kororsi Dawladda Federaalka Soomaaliya samaysato.

XUBNAHA SOO SAARAY BAYAANKAN.

Axmed Cabdulahi Yusuf “Axmed-Dawlad”
Faarax Cali Shire
Eng. Maxamud Axmed Xassan “Dhegawayne”
Cumar Maxamud Faarax “Dhollowaa”
Ismaciil Xaaji Warsame
Cabdi Faarax Saciid “Juxaa”
Ciise Maxamud Faarax “Dhollowaa”

Faah fahin dheerada La ririir:

Ismail Haaji Warsame
Phone: +252907034081
Email: ismailwarsame@gmail.com

Issa Mohamud Farah “Dhollowaa”
Phone: +61416547736
Email: dhollowaa@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*