26th July 2024  admin  Category :

Barlamaanka Dowladda Puntland oo Ansixiyey In Xukuumadda Cusub Si Guud Loogu Codeeyo.

Barlamaanka dowlada Puntland ayaa kulankoodii maanta ku go’aamiyey in golaha cusub ee wasiirada dowladda Puntland ay ku meel mariyaan si aqlibiyad wadareed ah iyadoo aan mid mid codka kalsoonid loogu qaadi doonin.

Kulanka barlamaanka ee maanta oo ay fadhiyeen 53 mudane ayaa 26 xubnood oo kamid ah u codeeyeen in xukuumadda si wadar ah loo ansixiyo halka 24 xildhibaan ay diideen 3 kalena ka aamustay.

Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) oo shir-guddoominayey kulanka ayaa ugu dambeyntii ku dhawaaqay natiijada ka soo baxday codeynta oo ah in si wadar ah loo ansixiyo golaha wasiirada cusub.

Baarlamanka ayaa hore u go’aamiyay in xukuumadda cusub mid-mid loo ansixiyo si loo hubiyo tayada shakhsiga wasiirka noqon doona hase yeeshee go’aankaasi ayaa haatan meesha ka baxay.

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa in uu gelinka dambe ee maanta oo Axad iyo berri lafilayaa inuu  ku dhawaaqo liiska golaha wasiirada cusub kuwaasoo loo gudbin doono Baarlamanka si ay u ansixiyaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*