27th April 2024  admin  Category :

Fanaanka BK,  heeso uu qaado  ma lagu   dhamayn karaa qabyaakadda Beelaha Isaaq dhexdooda taal  iyo tan umadda kale ay  ku cunsuriyeeyaan, gaar ahaan Soomaalida Koonfurta

Muuse Biixi oo Qandaraas Lacag Badani ku Baxayso ku Siiyey Wiil Ganacsade ah oo u Adeer u yahay Iyo Fanaanka Bk Inay degaanada beelaha Isaaq degaan l kusoo Qabtaan Bandhig-faneed Qabyaalada lagula dagaalamayo
Horjoogaha SNM Muuse Biixi , ayaa qandaraas ku siiyey Wiil uu adeer u yahay oo ganacsade ah iyo fanaanka Maxamed Siciid Bk, dhaqaale xadigiisu badan yahay inuu Fanaanku beelaha Isaaq   kaga wacyi-geliyo  qabyaalada, isla markaana kusoo qabto bandhig fanneedyo Lacag la’aan ah.
Fanaanka Maxamed Siciid Bk iyo ganacsadahan kasoo jeeda beesha  Habar awal , ayaa qorshahan lagu siiyey Lacag 100’000, Dolar ah, iyadoo hadda lacagtaa loo sii daayey 50,000, Dolar oo lagu soo samaynaayo bandhig faneedyada degaanada beesha . Iyadoo qorshahan wacyigelinta ee bandhig faneedka todobaadkan lagu qabtay Habeenkii Hargeysa huteel  .
Ganacsadahan Madaxweynuhu uu adeerka u yahay, oo isaggu lahaa fikirka Fanaankan lagu hawl-geliyey, ayaa Lagu magacaaba Cabdi Yuusuf Aar, kaasoo ah Gudoomiyaha Shirkadda Daabacaada ee Sagal-jet, kasoo Kamid ah, casabada aqalka Madaxtooyada sida dadban awooda ugu dhex leh, waxana hore loo siiyey qandaraasyo tiro badan tan iyo intii uu Madaxweynaha noqday Muuse Biixi Cabdi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*