26th July 2024  admin  Category :

Ciidanka Amniga Puntland (PSF) waxay maanta 06 August, 2018 hawlgal dagaal oo ballaaran oo ka dhan ah cadowga Al Shabaab ka fuliyeen Buuraleyda degaanka  Madarshoon ee Buuraha Cal Madow, Puntland, Soomaaliya.

Ciidanka  PSF waxay hawlgalkan ka gaareen guulo muhiim ah, waxay na dileen intii hawlgalkani socday 15 xubnood oo ka tirsan cadowga Al Shabaab, tiro kale oo intaa ka badana waxaa la gaarsiiyey dhaawacyo.

Dhanka kale, intii hawlgalkani socday waxay ciidanka PSF ku guulaysteen in ay cadowga Al Shabaab ka sifeeyaan degaanada Madarshoon, Karin Xagarood iyo Diindigle  ee Buuraha Cal Madow.

Ciidanka PSF waxaa ka go’an in ay sii wadaan hawlgallada ay kula dagaalamayaan kooxaha argagixisada ah ee ku soo duulay Puntland, si Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya ba ay u noqdaan nabad iyo waddanka ka caaggan kooxaha cadowga ah iyo falalkooda argagixisanimo.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*