30th April 2024  admin  Category :

Haraagii USC ayaa Xasuuq Isir nacayb ah ka gaystay Mudug

Ku dhowaad 10 ruux ayaa caawa lagu dilay duleedka Koofureed ee magaalada Gaalkacyo, kaasoo xiisad ka dhaliyay magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in dadkan la dilay ama la xasuuqay oo gaaraya 9 ruux ay ka soo wada jeedeen beesha Digil iyo Mirifle loona dilay heyb ahaan, iyadoo dableyda dilka geystay ay u aaneynayaan dil wiil dhalinyaro ah oo lagu dilay goob lagu caweeyo oo ku taala Koofurta Gaalkacyo.

Dableyda dilka geysatay ayaa la sheegay in dadka ay dileen ka uruuriyeen gudaha magaalada, dabadeedna ay geeyeen duleedka, halkaasoo ay ku xasuuqeen.

Meydadka dadka lagu xasuuqay duleedka magaalada Gaalkacyo ayaa la isugu geeyay Isbitaalka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*