26th July 2024  admin  Category :

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐˜…๐—ฎ๐—ฟ๐—ถ๐—ด๐—ด๐—ฎ ๐—ธ๐—ฎ ๐—ท๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐—ฑ๐—ต๐—ถ๐˜€๐—บ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ซ๐—ฎ๐—ป๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ซ๐—ผ๐—ผ๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ฎ, ๐——๐—ต๐—ถ๐—ฟ๐˜๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐——๐—ฎ๐—ฎ๐—พ๐—ฎ

Muqdisho, Feberaayo 2023; Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamze Cabdi Bare oo xarigga ka jaray Xarunta Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ayaa sheegay in Golaha Xukuumaddu ay ka sugayaan Wasaaradda soo gudbinta siyaasadda qaran ee lagu badbaadinayo Xoolaha Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in dalkeennu uu ku jiro mid ka mid ah abaarihii ugu dabo-dheeraa gobolka, haddii aan la qaadin tallaabooyin deg-deg ah oo lagu badbaadinayo xoolaha Soomaaliyeed ay sanadaha dhow dabar go’ayaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dul istaagay ahmiyadda xooluhu ay u leeyihiin nolosha iyo dhaqaalaha dadka Soomaaliyeed, Xukuumadduna ay mudnaan siineyso sidii xal waara loogu sameyn lahaa dhibaatooyinka soo food saara xoolo-raacatada oo ay ugu horreeyaan dalag yarida iyo biyo laโ€™aanta .

Munaasabadda xarig jarka Dhismaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa waxaa ka qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno iyo Danjiraha Midowga Yurub u fadhida Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*