1st May 2024  admin  Category :

Haddii Dhooba daareed shaqo ka helay Villa Soomaaliya ma iska casili doonaa Gudoonka Paarlamaanka Puntland mase laga keeni doonaa Mooshin?.

Siyaasigii ugu sareeyey maamulka Puntland ee ka soo jeeda beesha Warsangeli, kama uuna hadlin weerarkii qaawanaa ee maamulka SNM ku soo qaadeen degaanka uu ku metelo magacooda maamulka Puntland ama xilka uu ugu hayo maamulka Puntland wax wada qaybsiga ku salaysan madaxda sare ee beelaha Puntland.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdi Xakiim Dhooba Daareed, ayaa ilaa hadda oo labo cisho laga joogo weerarkii qaawanaa ee beelaha Isaaq ee midaysnaa ay ku soo qaadeen gobolka Sanaag iyo qabsashaddii hore ee degmada Yube aan marna ka hadlin, canbaarayn ama aan soo booqan degaanada laga soo doorto ee dhibta joogtada ah loo gaysanayo

Dhaawicii iyo dhimashddii ka dhalatay weerarkii SNM waxa la geeyey ama u soo gurmaday bulshada reer Xingalool. Iyagaa aasay intii dhimatay, daaweeyna intii kale ee dhaawaca ahayd.

Bulshadan reer Xingalool ee culayskaasi soo dul fuulay ayuu sidoo kale Gudoomiyaha baarlamaanka ku joogaa magacooda Baarlamaanka Puntland. Maalin ma soo booqan halka uu villa Soomaaliya ka yeelay inay Turkiga u diraan.

Dhooba daareed ,shaqadiisii gudoomiye ee baarlamaanka Puntland, tii Xildhibaanimo iyo tii wax wada qaybsiga beelaha ee madaxda sare ee Puntland wuxuu siistay la shaqaynta iyo raali gelinta koox Federaal diid a ah ee ku sugan Villa Soomaalya, dagaalna kula jira maamlka Puntland iyo shacabka Puntland.

Image result for dhooba  daareed farmaajo

Ugu danbayntii Bulshada reer Puntland iyo gaar ahaan bulshada reer Maakhir waxay u arkaan in Gudoomiyaha Baarlamanaanka Puntland gudan waayey xilkii loo dhaariyey, uuna ku mashquulsan yahay dano gaar ahaaneed oo khatar ku ah jiritaanka Puntland, abuuri kartana khal khal siyaasadeed iyo amni xumo. Intaan taa la gaarin waa in Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland la xisaabtamaan gudoomiyahooda.

Image result for dhooba  daareed farmaajo
https://youtu.be/ZDn3ZtlYi8Q

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*