26th April 2024  admin  Category :

Waxqabadkii Wasiirkii hore ee Qorshaynta Soomaaliya Cabdulaahi Maxamed Axmed ( Qablan).

Dhowaan Muqaal laga soo duubay warshaddii hore ee Kaluunka ee Laasqorey, ayaa Bulsho badan oo ka soo jeeda Gobolka Sanaag kaga caraysiisay, sababtoo ah muddo hadda laa joogo 50 sano oo ahayd xilligii washadan Laasqorey la dhisay ilaa maanta ma jirin mashruuc kale oo gobolka laga hirgeliyey , waqtiyaddii Kacaanka iyo intii ka danbaysayba.

Allah ha u naxariistee Cabdulaahi Maxamed Axmed ( Qablan) , wuxuu ahaa Xildhibaan laga soo doorto gobolka Sanaag, noqdayna wasiirkii Qorshaynta Dawladdii Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Qablan, markii la dooratayba wuxuu baarlamaanka Soomaaliya hor geeyey in Laasqorey ay ka mid noqoto degmooyinka Soomaaliya. Waa laga codeeyey oo waa la diiday in Laasqoray degmo tahay . Mar labaad ayuu ku celiyey, sidii oo kale ayaa laga diiday. Mar sadexaad ayuu Qablan ku celiyey in Laasqorey degmo noqoto. Markii sadexaad waa laga yeelay, waana loo codeeyey in Laasqorey degmo tahay

Markii xigtay Allah ha wada naxariistee Cabdulaahi Maxamed Axmed ( Qablan) iyo Mohamed Haji Ibrahim Egal  ayaa olole u wada galay in Warshadda Kaluunka Soomaaliya laga dhiso Laasqorey oo Qablan o ololeenaayey iyo Cigaal oo isagu doonayey in laga dhiso Berbera.

Qablan ayaa ku guulaystay in warshadda Kaluunka Soomaaliya laga dhiso magaalada Laasqorey.

Qablan, markii uu wasiirka ahaa waxa uu keenay gobolka Sanaag shan Ceel biyood ama Riigag, oo ka mid ah kuwa ay konton sano ay Dad iyo Duunyoba ka cabayeen.

Cabdulaahi Qablan markuu wasirka ahaa wuxuu dhisay oo kale Jidka Geel doora ee isku xidha Badhan iyo Laasqorey ee mara Buuraha Calmadow.

Ugu danbayntii 50 sano ka dib warshadii Laasqorey iyo Jidkii Geeldoora waa burbureen, mana jiro siyaasi ka danbeeya Qablan oo Mashaariic keenay ama ka hirgeliyey Gobolka. maalmahan maamulka Puntland waxa laga filayaa in laysku shaandheeyo Golaha wasiirada. Garowe waxa ku sugan Cali Buureed oo sugaya in wasiir laga dhigo oo dhowaan wasiir ka ahaa Somaliland Horjooge Siilaanyona keenay Laasqorey, isaga oo badda soo , maalintaas uu Siilaanyo keenay Laasqoaray, shacabka magaaladaasi waxay u sii dhiibteen Daynamdii Ceelka Biyaha Laasqorey oo markaas ka jabnaa magaalada . Ilaa hadda dib uguma soo celin Daynamaddii loo sii dhiibtay . Nimankaas Cali Buureed ka midka yahay ee Daynamaddii Ceel Biyoodka ay ku adkaaday inay dayac tir ku sameeyaan, Bulshada Gobolku kama sugayaan inay horumaru keenaam ee waxa ka sii daran haddii aynu aqbalno inay xil inoo hayaan “INAGA” kolay Cabdulaahi Qablan oo kale heli maynee.

ALLSANAAG.COM NEWS@ALLSANAAG.COM

One thought on “Waxqabadkii Cabdulaahi Qablan

  1. makhiriyada

    Aslaamu alaykom bahda All Aanaag waa salaamantihiin. ( CALI BUUREED)waxaan leeyahay. “Ma labad u qaybsami, ma labaatan baad noqon, qabligaau lahashiyo leexleexad badan.

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*