26th April 2024  admin  Category :

Wasiirka beesha Cismaan Maxamuud ee madaxweyne Dani ka soo jeedo Muxuu kaga duwan yahay Wasiirada kale?

Dagaal oogihii hore ee gobolka Bari  Axmed Taaaraan,  oo hadda loo magacaabay Wasiirka Shidaalka iyo macdanta Puntland, oo ka soo jeeda beesha Cismaan ee madaxweynaha Puntland yahay  wuxuu  kaga duwan yahay  wasiirada kale ee maamulka Puntland ee dhowaan shaqada bilaabaya, hal arin oo ah:

Ma jiro Xafiis uu Wasiir kale kala wareegi doono,isaga uun ayaa hadda ka dib Xafiis Furan Doona. Isaga ayaa magacaaban doona Agaasime ilaa Waardiyaha  wasaaradaas. Aduunka horay ugama dhicin,

Madaxweyne Deni, oo wasiirkan   shaqaalihisa la imanaya Jufo ahaan  ugu  magcaabay wasaradda cusub , ayaa  beesha Maxamuud Garaad ee Dhulbaante ee sadexda Xildhibaan gobolka Sanaag ku leh  ku yidhi ” Madaxweyne ku xigenkii ayaa haystaan  sidaas awgeeda Wasiir kama heli kartaan golaha wasiirada ee dawladayda

Halka beesha Maxamuud Salebaan ee uu madaxweynuhhu ka soo jeedo uu beeshiisa u magcaabay Shan wasiir.

Ugu danbayntii Dawladda Deni oo  Wasiir aan wasaarad lahayn u  magcawday   Axmed Taar , si in badan oo  Jufada ka mid ah loo shaqaalaysiiyo, Labo Beelood oo Puntland u simana  uu   mid ku  leeyahay madaxweyne ku xigeen ayaad haystaan oo wasiir kama heli kartaan Dawladayda , halka Beeshii madaxweynaa haysayna  ay iyagu  shan wasiir qaateen.

Waxa arimahan oo dan  ka jawaabi kara oo qura  waa Xildhibaanada Puntland oo horay u doortay madaxweyne Deni  oo iyagu  diida anxisinta golaha wasiirada cusub ee Puntland. 11 Xildhibaan ee gobolka Sanaag labo wasiir ayaa loo magcaabay Cabdiraxmaan Faroole uu isagu helay  labo Wasiir uu wasiirka maaliyadda ka mid yahay.

Allsanaag,com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*