27th April 2024  admin  Category :

Marooko waa dal ka mid ah wadama Carabta, mana la mid aha wadamada Khaliijka ee heesta shidaalka faraha badan. Dadka dalka Marooko waa 35 milyan oo qof. Hadaba, kobaca dhaqaalaha ee dalkaas waa mid kor u soo kacayey 15 tobbonkii sanno ee la soo dhaafay. Heerka faqriga waxa uu ahaa sannadkii 2007dii 8.9 boqolkii, meesha uu ka noqday 2014kii 4.2 boqolkii. Dalka waa mid wax soo saar leh, sanadkii la soo dhaafay dalka waxa uu dhoofiyey daqli u dhigma 20 bilyan oo doolar. Dalka Marooko waxa uu ku jiraa dalka 60aad ee dhaqaalaha adduunka. Soomaaliya oo 27 sannadood iyada isku maqneed waxa ay adduunka kaga jirtaa kaalinta 185, laakiin haddii la iska daayo qabyaalada oo loo jeesto dhinaca horumarka waa la gaari karaa aduunyada kalle. Sidoo kalle waa in musqumaasuqa dalka ka jiraa uu noqdaa mid la suuliyo si horumar loo gaaro, musuqmaasuqa ka jiraa dalka Soomaaliya waa mid aan caadi aheen.

Marka aad fiiriso dalka Marooko sida uu u dhisan yahay iyo dhaqaalahooda waa mid aan is laheen. Dadka ineey dalkooda ka dhigtaan mid nadiif ah oo dhisan waa mid aad u wannaagsan.

Muuqaalkan hoose waa Rabat oo ah caasimada dalka Marooko.

Kaasabalanka waa xarunta ganacsiga ee dalka Marooko

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*