26th April 2024  admin  Category :

Wasiirkii Gaashaandhiga soo qabtay , Xildhibaanadii Dawladda federaalka iyo Wasiiradii ka midka ahaa golaha wasiirada Soomaaliya ayaa sharcigii iyo Dastuurkii Soomaaliya u yaalay jebinaya iyaga oo aan gabanayn Warbaahintana ka hor sheegaya.

Dawladda Federaalka oo ay Soomaali oo dhami wada samaysatay ayaa qoraal sharci ah soo saartay, kaas oo sheegaya in Soomaaliya laga dhoofin karin Xoolo iyo Badeexad ilaa warqad ogolaansho laga helo dawladda federaalka Soomaaliya.

Sharcigan ayaa maamul goboleedyada Soomaalidu intooda badani ay qaateen, oo u hogaansameen dawladda federaalka Soomaaliya, hase ahaatee waxa ka hor ymimid oo diiday maamulka Soomaaliya diidka ah ee Hargaysa.

Dawladdii ay Soomaali oo dhan ka wada samaysatay markii ay qaaday talaabaddii ku haboonayd Soomaali diidkan aan shrciga ogolayn waxa ku ku taageeray in maamulka SNM sharciga jebiyaan dhamaan Siyaasiyiintii ka soo jeeday beesha ISAAQ, iyaga oo ku doodaya in beeshooda ISAAQ Cuna qabatayn la saaray.

Beeshan ay sheegayaan in Cunaqabatayn la saaray waa beesha dhowaan xasuuqa ka gaysatay gobolka Sanaag,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*