26th April 2024  admin  Category :

Siyaasi ay iska dhaleen Oromo iyo beesha Soomaaliyeed ee Dir ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha Xisbiga Dimuqaaradiga Shacabka Soomaalida Ethiopia

Golaha dhaxe ee Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaalida Itoobiya,  ayaa sadaxdii maalmood ee lasoo dhaafay shir kulaha magaalada addisababa 47-da xubnood ee golaha dhaxe ayaa wadatashi kadib ayaa waxey isla qaateen in waqigan xaadirka ah loo baahanyahay isbadel wanaagsan la qaato.,  waxeynu isku raaceen dhamaan xubnaha Golaha dhaxe Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaalida Itoobiya in Gudoomiye Cusub loo doorto Axmed Shide oo ahaa wasiirka warfaafinta Itoobiya  Taasoo Cod buuxa ku ansixiyeen.

Golaha dhaxe ee Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaalida Itoobiya. waxaa sidoo kale gudoomiye kuxigeenka Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaalida Itoobiya loo doortay Axmed Cabdi Maxamed

Sidoo kale, waxaan ogsoonahay xisbigan oo ah midka ka arrimiya deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa maalmihii u dambeeyay ka biyo diidanaa Addis Ababa looga yeeray.

Arrintaas ayaa timid ka dib markii faderaalku uu la tagay madaxweynihii hore ee deegaanka oo ilaa hadda lagu hayo magaalada Addis Ababa. waxaan ogsoonahay shirwaynaha 9aad XDSHSI ayaa madaxweynihii hore dowlada deegaanka Somalida Itoobiya Cabdi maxamuud Cumar ayaa loogu doortay  Gudoomiyaha Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaalida Itoobiya.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*