8th May 2024  admin  Category :

Waxay reer Puntland u ahayd Maalin xasuus Gaar ah mudan marka laga eego dhanka Siyaasada oo markaasi qalaalase xoogani uu ka oognaa” Maalintaasi kor ku xusan ayuu Magalalada Garoowe kaga dhawaaqay Siciid Xasan Shire inuu baneeyay Afhayeenkii Baarlamaanka Puntland isaga oo u tudhaya Shacabka PL.

War-Saxaafadeed uu Gurigiisa Garoowe ku qabtay waxa uu ku sheegay in aanu la kulmin cadaasi Siyaasadeed balse marka uu meelo badan wax ka eegay uu qiimeeyay xaalada Siyaasadeed isla markaana garowsaday intii dalka Fooda Siyaasadeed & dibu dhac gali lahaa inuu Xafiiska baneeyo..

Dad badan oo Siyaasada Geeska ama tan Somaliya odorosa ayaa ku tilmaamay mid aan Siyaasiyiinta Afrikaanka ama xitaa kuwa Somalida oo Khilaaf ragaadiyay aan looga barin in Siyaasi Darajada intaasi leg gaadhay uu si sahal ah Xafiiska u baneeyo isaga oo aan Dhiig ku cadaadan…

Wixii ka danbeeyay Oct 28, 2015  Sanadkaasi Siciid Xasan Shire wuxuu ahaa nin Dalka ku Sugan marka laga reebo mar uu Sucuudiga u tegay Waajibaadka Cimrada hase ahaatii intii kale wuxuu ahaa dal Joog isaga oo aan Warbaahinta laga arag ama dhaliil & cunfi u jeedin Madaxdii Bedeshay waa Mid ku yar Siyaasiyiinta Somalida oo aan looga barin arinkaasi.

Siciid Xasan Shire waxa uu u Sharaxan-yahay Madaxtinimada PL Sanadka 2019- waxana uu Gudaha ka wadaa Abaabul Nabadeed oo loogu go-gol xaadhayo Siyaasad Jawi degen lagu soo dabaalay oo lagu doonayo Isbedel baahsan oo ka duwan kuwii hore ee PL lagu Bartay inuu qabsoomo horaanta Sanadka 2019.

1–Aamin ah, oo aan xadin hantida Qaran ee lagu aaminay.

2- Haysta dhaqaale Maaliyadeed oo aan Xafiiska u soo doonan inuu dhaqaale ka tabcado.

3-Isku kalsoon oo Aaminsan in uu Talada dalka la wadaagi karo cid kasta oo tallo & Tusaale ugu timaada.

4- Aan lahayn is-qaad & isla weyni Dhegaysta Bulshada qaybaheeda kala gadisan’ Alaabkiisu cid walba u furan-yahay qancin kara Mucaarada & Muxaafid.

5-Wajihi kara qaabka ugu haboon ee Xasilinta dhaqaalaha & Nabada  Puntland’ (Siyaasada Furfuran u leh Gobolada Tabashado ka jirto Sida Gobolka Sool oo tabasho Beeleed kaga maqan Gacanta Puntland.

Ahmed Faarah Cali

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*