1st May 2024  admin  Category :

Farmaajo oo afar sano ka dib Wareegto ka soo saaray Sanaag, taas oo colaad looga hurinayo Puntland.

Afartii Sano ee dawladda federaalka uu madaxweynaha ka ahaa Farmaajo, waxa gobolka Sanaag ka dhacday abaatii ugu xumayd in mudo ah, Xasuuqii Af urur, Duulaankii SNM ee Damala xagare iyo Yube.

Dhacadooyinkaas isku xig xigay oo mar walba reer Puntland ay garab taagnaayeen bulshada gobolka Sanaag waxa ugu danbaysey labo cisho ka hor duulaankii ay Jabhadda SNM ku soo qaadeen degaana hoos yimaada Degmada Laasqoray. Duulaankaas gardarada ah ee jabhadda Soomaaliya diidka ahi soo qaadeen waxayku dileen Xoola dhaqto iyo Xijiileey aan hubaysanayn oo hurda.

Intaas oo goor oo dhibaatooyinku ku dhacayeen reer Maakhir , isla markaana la garab waday Jidka Ceel Daahi marna taageero iyo tacsi ugama iman madaxweyne Farmaajo, uma muujin taageero Bulshada giobolka Sanaag,

Maanta madaxweyne Farmaaji sidii u adeegsaday qaybo ka mid beesha Raxanweyn iyo Hawiye ayuu doonayaa inuu colaad la dhex dhigo beelaha walaalaha ah ee wada dega Puntland, isaga oo kuwii la shaqaysan jiray SNM IYO KUWII ISAGA U SHAQAYN JIRAY ADEEGSANAYA

Qoraalkii u horeeyey waa kan kuwa kale waa daba socdaan, lacagtii la diiday in lagu dhiso jidka Ceel daahirna xawaaladaha ayaa la soo dhigay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*