26th April 2024  admin  Category :

!2 Safiir ee la magcaabi lahaa oo Gaolaha wasiiraddu Khamiistii diideen, iyaga oo sheegay inay Daarood u badan yihiin ayaa hadda 15 laga dhiga oo berito golaha wasiirada la hor keenayaa

Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa sida sheegayo maalinta berri ah la horgeyn doono liiska illaa 15 Safiir oo cusub, inkastoo khamiistii hore ay goluhu soo diideen liiska Safiiro 12 ahaa, waxaa soo diidmadda lagu sababeeyay in aysan waafaqsaneyn qaabka awood qeybsiga 4.5 iyo xubnaha la soo gudbiyay oo u badnaa beesha Daarood, taasoo ay su’aalo ka keeneen Wasiirada la soo jeeda beelaha Raxanweyn iyo Hawiye..

Magacaabida safiiradan cusub, waxay khasab ka dhigaysaa in iyagana xilka laga qaado safiirro hadda xilal haya, si kuwan boosas u helaan waxaa jira safaarado bannaan oo aan safiir lahayn sida Masar, Sacuudiga, Imaaraadka, Uganda, Midowga Yurub, Ingiriiska, Faransiiska.

Dowladaha qaar sida kuwa carabta ee Masar, Sacuudiga iyo Imaaraadka waxay soo diideen inay aqbalaan safiirro dowladda Soomaaliya hore ugu magacawday.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*