26th April 2024  admin  Category :

Qalabkii Daamurka iyo Jayga lagu dhigi  lahaa Jidka Barakaysan ee Ceel Daahit iyo Ceerigaabo ayaa soo gaaray halkii laga bilaabi lahaa Jidka laamiga ah, oo ah bartamaha magaalada Ceel Daahir

Qalabka Daamurka lagu saari doono waddada Ceeldaahir Ceerigaabo ayaa maanta  soo gaadhey magaalada Ceeldaahir oo ah halka ay shaqadu ka bilaabanayso.

Dhowaan ayaa la bilaabayaa shaqada iyadoo sida la sheegay muddo aad u kooban lagu gaadhi doono magaalada Badhan, taas oo ay sabab u tahay tayada qalabka oo ah mid casri ah.

Dhismaha wejiga koowaad ee wadddada oo isugu jira Laan-gooyo, Carro tuur iyo simitaanka ayaa hadda waxa uu sii marayaa duleedka magaalada Badhan

“Puntland haysku tashato”waa hal-kudhiga hirgalay.

Jama Faarah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*