8th May 2024  admin  Category :

 

Qaad Ka Yimid Gobolka Sanaag Oo Kantaroolka Magaalada Bosaaso Lagu Gubay

Jamac Yey, waa Qaadwale ka soo jeeda degaanada Maakhir, in muddo ahna wuxuu qaadku  uga soo degayey magaalooyinka Laascaanood iyo Qardho. Laakiinse maanta ayuu qaad ka soo dejiyey degmada Badhan ee gobolka Sanaag. Qaadkii ka soo degay degmada  Badhan isla maanta  waxa  loo gudbiyey magaalada Boosaaso. Qaadkii markii uu gaaray Kantaroolka Boosaaso ayaa laamaha amniga Puntland ay dab qabadsiiyeen.

Markaan baaritaan samaynay oo aanu la xiriirnay maamulka gobolka Sanaag, madaxda dawladda Puntland  iyo wasaarada Dulista hawada iyo garoomada Puntland ayaa waxay noo sheegeen sababta qaadka loo gubay inay ahayd diyaaradda oo aan ogolaansho ka haysan dawladda Puntland  inay ka soo degto degmada Badhan.

 

Diyaaraddii sharciga jebisay oo ka soo degtay garoon aan loo ogolaan ilaa hadda iyada sharciga lama hor keenin

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*