1st May 2024  admin  Category :

Odayaal iska diiwaangeliyay xarumaha Al-Shabaab oo laga bedelay dharkii ay xirnaayeen

ka mid ah oday dhaqameedyada iyo ergada soo xulay xildhibaanada baarlamaanka heer federal iyo heer dowlad goboleed ayaa gaaray deegaanada ay ka taliyaan ururka Al-Shabaab kadib markii Al-Shabaab ay amreen inay isa soo diiwaangeliyaan.

Oday dhaqameedyada iyo ergada gaartay xarumaha Al-Shabaab ayaa la sheegay in laga bedelay dharkii ay xirnaayeen loona bilaabay waxbarasho diini ah.

Tirada oday dhaqameedyada iyo ergadan oo lagu shaaciyay bayaan ka soo baxay ururka Al-Shabaab ayaa lagu sheegay inay gaarayaan illaa 159 ruux. Raggaas ayaa la sheegay inay ka tageen Maamul goboleedyada Hirshabelle,Galmudug,Jubbaland iyo Koofurgalbeed balse ma tegin deegaanada Al-Shabaab ka arrimiyaan oday dhaqameedyo ka socda Puntland sida lagu sheegay bayaanka.

.Al Shabaab ayaa muddo 45-cisho ah u qabatay in ay cafis ku dalbadaan Odayaasha 

Ururka Al-Shabaab ayaa hore ugu diley deegaano badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya oday dhaqameedyo iyo xubno ka mid ah ergada dooratay xildhibaanada Baarlamaanka Federalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*