26th April 2024  admin  Category :

Waa maxay sababata qaarkood ay Beelihii 4.5 wax ku qaybsan jiray a uga maqan yihiin shirka Muqdisho

R’aisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya, ahna sii haya xilka Raisul wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed , oo ku sugan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa ka maqan shirka ka socda Muqdisho ee loogu magac daray shirka wada tashiga Somaaliyeed , halka uu Gudoomiyaha gobolka Banaadir uu shirka fadhiye iyo labo Madaxweyne goboleed ee ka soo jeedaan beesha Hawiye.

Mahad Guuleed, ayaa ku fadhiya kursiga ugu sareeya ee beelha Dirta ee saamiga wax wada qaybsiga beelha Soomaaliyeed ay wax ku qaybsadaan ee 4.5.

Shirarkii hore ee marxalada kala guurka sanadkii 2016 waxaa Madasha Hoggaamiyeyaasha Qaran qeyb ka ahaa Ra’iisul Wasaare kuxigeenkii hore Maxamed Cumar Carte oo matalayay Gobolada Waqooyi.

Shirka maanta ka furmay Muqdisho oo ay ka soo qayb galeen Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed, ayaa waxa ka maqnaa Raisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo metela beelaha Dirta iyo Soomaalida laga tirada badan yahay.

Mahdi Guuleed, ka maqnaashaha shirka Muqdisho waxa u dheer in madaxweyne Farmaajo ka dhigtay Isbaaro uu ku hor istaago inuu beelaha Hawiye u magcaabo R’aiksul wasaare ay ku lahaayeen saamiga wax wada qaybsiga ku salaysan 4.5

Ugu danbayntii waa labo mid midkood, sababta uu Mahad Guuleed uuna saamaynta ugu lahayn ama ugu yeelan waayey shirka Muqdisho 1. In ay jirto balan qaad beelaha Isaaq iyo Farmaajo ka dhaxayso oo ay ku soo wsada heshiiyeen shirkii Jabuuti. 2- Iyo in uu yahay Mahad Guuleed maqaar saar ka shaqeeya oo qura danta Farmaajo oo aan dan lahayn bahdilkan ku dhacaysa beshiisii Dirta oo sida muuqata la leyhay waa idin ka maaranaa

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*