26th April 2024  admin  Category :

Maxay uga aamuseen Odayaasha Majeeeteen Dhacdadii ka dhacday Garowe oo dadku ku dhinteen?

Cadowga Puntland, jidka ugu fiican ee u soo mari karo bur burka Puntland ayna isku dayeen marar badan, waa iyaga oo iska hor keena beelaha walaalaha ee wada dhashay ee wada degan.

Maalmo ka hor madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni , wuxuu qaaday jidkii ugu fiicnaa ee cadwoga Puntland jeexeen, oo ahaa sida beelaha laysaga hor keeno. Saacado gudahood ayuu Mooshin ka keenay garabkii la midka ahaa, weerar lagu qaaday Gurigii Baarlamaanka oo lagu dilay askar haybtooda la garanayey maydkii oo yaalna laysugu yeedhay calooshood u shaqaystayaal aan weligood dan Puntland ka shaqayn si ayMooshin uga keenaan garabkiisii la sinaa, oo sidaas xilka looga qaaday, iyada oo haba yaraatee lays waydiin waxa ka dhalan kara

Markii intaasi dhacday cadowgii Puntland waxay bilaabeen Kicin iyo inaay abaabulaan inay Bulshada Kiciyaan. Muqdisho Fariinta ka timid waxay ahayd Dhulbahante iyo Warsangeli ayaan maamul u dhisaynaa. Isaaqa iyo Hargaysa Farintoodu taa waa ka duwanaynd oo waxay ahayd dagaal bilaaba oo jidadka gooya.

Isimada, Wax garadka, Siyaasiyiinta iyo Qurba jooga Warsangeli, iyagu waxay ka shaqeeyeen si aan amni xumo uga dhicin degaanka oo aan fursad la siin cadowga Puntland .

Gudoomiyaha Baarlamaanka Cabdi Xakiim Dooba daareed, isagu ma ahayn mid dan Warsangeli iyo Puntland ka shaqaynayey inta arimahani soo socdeen. Fasaxa uu Baarlanaanka la fasaxay ma ahayn mid dani ugu jirtay Beesha Warsangeli iyo Puntland ee waxa la sugayey fariin ka imanaysay meelo kale, oo sii hurinaysay wixii markaa socday

Intan oo dhan marka ay dhacayaan oo ilaa hadda aan la garanayn saamaynteeda iyo meesha uu xaalka Puntland ku danbayn doono lana saadaalin karin, inkastoo waxgaradka iyo Odayaasha Beesha Warsangeli ay dedaalayaan oo ay ka shaqaynayaan jiritaanka Puntland ayaa waxa ka aamusan guud ahaan beesha Majeerteen

Siyasiyiinta Beesha Majeerteen iyo Odayaasha beeshaas, ilaa hadda waxay noqdeen kuwa ka aamusay dhacdadan foosha xun ee ka dhacday degaan Majeerteen. Aamusnaantuna maaha mid ka shaqaynaysa ama ilaalinaysa jiritaanka Puntland ee waa mid dadka qaarkood u turjuman karaan in wixii Garowe ka dhacay ay ku timid talo guud ama misaysan .

Ugu danbayntii siyaasiyiinta beesha Majeeteen waxaan uga mahad celinya in faankii iyo af Soomaaligii qalafsanaa ee Faroole iyo kuwa la midka ah ku hadli jireen oo Soomaali inteeda kale ku naceen aanay warbaahinta la soo istaagin iyo gudoomiyihii Baarlamaanka waanu erinay. Taas oo xaaladda uga dari lahayd .

Odayaasha Majeerteen haddad doonaysaan in Puntland la badbaadiyo oo dadka laysu soo dhoweeyo waa in dedaalka ay Odayaasha beesha Warsangeli wadaan mid ka mid ah aad la timaadaan. “BISHU BISHII MAAHA”

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*