18th November 2019  admin  Category :

Maxay uga aamuseen Odayaasha Majeeeteen Dhacdadii ka dhacday Garowe oo dadku ku dhinteen?

Cadowga Puntland, jidka ugu fiican ee u soo mari karo bur burka Puntland ayna isku dayeen marar badan, waa iyaga oo iska hor keena beelaha walaalaha ee wada dhashay ee wada degan.

Maalmo ka hor madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni , wuxuu qaaday jidkii ugu fiicnaa ee cadwoga Puntland jeexeen, oo ahaa sida beelaha laysaga hor keeno. Saacado gudahood ayuu Mooshin ka keenay garabkii la midka ahaa, weerar lagu qaaday Gurigii Baarlamaanka oo lagu dilay askar haybtooda la garanayey maydkii oo yaalna laysugu yeedhay calooshood u shaqaystayaal aan weligood dan Puntland ka shaqayn si ayMooshin uga keenaan garabkiisii la sinaa, oo sidaas xilka looga qaaday, iyada oo haba yaraatee lays waydiin waxa ka dhalan kara

Markii intaasi dhacday cadowgii Puntland waxay bilaabeen Kicin iyo inaay abaabulaan inay Bulshada Kiciyaan. Muqdisho Fariinta ka timid waxay ahayd Dhulbahante iyo Warsangeli ayaan maamul u dhisaynaa. Isaaqa iyo Hargaysa Farintoodu taa waa ka duwanaynd oo waxay ahayd dagaal bilaaba oo jidadka gooya.

Isimada, Wax garadka, Siyaasiyiinta iyo Qurba jooga Warsangeli, iyagu waxay ka shaqeeyeen si aan amni xumo uga dhicin degaanka oo aan fursad la siin cadowga Puntland .

Gudoomiyaha Baarlamaanka Cabdi Xakiim Dooba daareed, isagu ma ahayn mid dan Warsangeli iyo Puntland ka shaqaynayey inta arimahani soo socdeen. Fasaxa uu Baarlanaanka la fasaxay ma ahayn mid dani ugu jirtay Beesha Warsangeli iyo Puntland ee waxa la sugayey fariin ka imanaysay meelo kale, oo sii hurinaysay wixii markaa socday

Intan oo dhan marka ay dhacayaan oo ilaa hadda aan la garanayn saamaynteeda iyo meesha uu xaalka Puntland ku danbayn doono lana saadaalin karin, inkastoo waxgaradka iyo Odayaasha Beesha Warsangeli ay dedaalayaan oo ay ka shaqaynayaan jiritaanka Puntland ayaa waxa ka aamusan guud ahaan beesha Majeerteen

Siyasiyiinta Beesha Majeerteen iyo Odayaasha beeshaas, ilaa hadda waxay noqdeen kuwa ka aamusay dhacdadan foosha xun ee ka dhacday degaan Majeerteen. Aamusnaantuna maaha mid ka shaqaynaysa ama ilaalinaysa jiritaanka Puntland ee waa mid dadka qaarkood u turjuman karaan in wixii Garowe ka dhacay ay ku timid talo guud ama misaysan .

Ugu danbayntii siyaasiyiinta beesha Majeeteen waxaan uga mahad celinya in faankii iyo af Soomaaligii qalafsanaa ee Faroole iyo kuwa la midka ah ku hadli jireen oo Soomaali inteeda kale ku naceen aanay warbaahinta la soo istaagin iyo gudoomiyihii Baarlamaanka waanu erinay. Taas oo xaaladda uga dari lahayd .

Odayaasha Majeerteen haddad doonaysaan in Puntland la badbaadiyo oo dadka laysu soo dhoweeyo waa in dedaalka ay Odayaasha beesha Warsangeli wadaan mid ka mid ah aad la timaadaan. “BISHU BISHII MAAHA”

ALLSANAAG.COM

5 thoughts on “Maxaa aamusiyey Odayashii Majeerteen?

  1. Mustafa Noor Jarafle

    Ma laga yaaba in aanay rabinba waxa lagu magcaabo punt land oo markii horeba ay fekredu ka timi isla iyaga ( majeerteen) .?
    Arinta kale ee ah dhulbahante iyo warsangeli ha loo samayo maamul taasna ma soconayso waayo beri hadii lays khilaafo xabad ayaa laysu qaadanayaa.
    Xalka ugu fiican ee soomaali dan u ah waa in laga gudbaa ( Federalism 00 18 gobol dib loogu dhaqmaa lana xoojiyaa dawladaha hoose dhalinta deeganadana la siyaa jaanis ay iyagu ku maamulaan dawladaha hoose ee deegaanadooda

    Reply
  2. A A yabaq

    Waad mahad adan tahay qoraalkaga anoo Mj ah waan kaxumahay waxa dhacay walalaheen maxamud harti waxaan ushegayaa Mj maxukumto barlamaanka calooshood ushaqaystayaalka ah marka dadka walaalaha ah yaan laysku dirin.

    Reply
  3. Reer Bari

    Waxaan ahay Majeerteen waanu ku raacsanahay 100% qoraalkan Wanaagsan. Waa in wargaradka iyo odayaasha Majeerteen cambaareeyaan foolxumadii ka dhacday baarlamaanka, Denina kala xisaabtamaa. Hal qof dartii looma burburin karo Puntland iyo wanaaga ka dhexeeya dadka walaalaha ah ee Maxamuud iyo Maxamad Harti.

    Reply
  4. runsheeg xaqaani

    Guddoomiyaha Baarlamanka Xilka loogama qaadin si sharciga waafaqsan, Xattaa hadduu la shaqeynayey Cadowga Puntland waa in waddo sharci ah la marsiiyo xil ka qaadistiisa. ma dhicin arrintaas waa in uu dib u soo fariistaa kursigiisii lalana Xisaabtamaa, loona codeeyaa in Baarlamaanku ku kalsoon yihiin iyo in kale. haddii laga adkaado waa in uu xilka wareejiyaa. haddii uu adkaadana lala shaqeeyaa.

    Reply
  5. Haliye

    Waa run waa in laga hadlaa, weliba arintaan hadii arintaan wax laga qaban wey soo noqnoqon, waxaana la keeni qof madaxweynuhu wato oo la shaqaysata, si xisaabtamkii xukuumadu iyo dadka dantiisu meesha uga baxdo.
    Waxaan la xiriiray meelo badan iyo dad badan si aan u ogaado sababta arintaan wax looga qaban waayay loogana dhiidhiyi waayay.
    Waxaa soo ogaaday in qofkii hadla wax badan oo dantiisa ah luminayo, waana arin laga naxo in sidaas loo Fekero.

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*