26th April 2024  admin  Category :

Sanduuqa Horumarinta ee Abu Dhabi ayaa ku dhawaaqay ineey ku tabarucayaan lacag dhan 330 miliyan oo  Dirham oo u dhiganta $89.9 milyan oo dollar. Lacagtan ayaa wax looga qaban doonaa mashariicda horumarineed ee laga hirgellinayo dalka Soomaaliya sida kaabayaasha dhaqaalaha iyo barnaamijyada kalle.

Sanduuqa Horumarinta ee Abu Dhabi waxeey sheegeen in ujeedada ay tahay sidii Soomaaliya looga caawin lahaa dhibaatooyin dhaqaale ee heeysta, shaqooyin loogu abuuri lahaa iyo sidii kor loogu soo qaadi lahaa heer nololeedka dadka.

Waxaa dhab ah haddii lacagaha caalamka ay ku deeqayaan Soomaaliya sideey tahay loogu fulliyo mashaariicdii loogu talagalay ay dhab tahay in wax badan ay isbeddelayaan.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*