26th April 2024  admin  Category :

Doorashadii ay balan qaadeen maamulka SNM inay ka dhici doonto  gobolada Sool iyo  Sanaag oo aan qabsoomin . Yaa guushu raacday yaase fashilmay.

Doorashadii maanta qabsoomi wayday ee  la doonayey in lagu dhantaalo ama lagu wiiqo  qaranimada iyo midnimada Soomaaliya, waxa ku fashilmay oo ceebi ka raacday

1- Maamulka Beelaha  Isaaq ee SNM,   oo doonayey inay Caalamka tusaan iyaga oo marin habaabinaya  in iyagu ka taliyaan gobolada Sanaag iyo Sool, hase ahaatee  ku fashilmay arintaas, ka dib markii Caalamku arkeen Shacab aan hubaysnayn oo Mudaharaadaya iyaga oo  diidan in Soomaaliya lakala  qaybiyo iyo Ciidan Tikniko wata oo leh khasab ku codeeya . Sidaas ayaa maamulka beelaha Isaaq ku qaateen fashilka kowaad

2- Madaxda dawladda federaalka Soomaaliya,  oo loo doortay inay ilaaliyaan Qaranimada Soomaaliya  oo ka aamusay ama dhex dhexaad ka noqday Maleeshiyaad hubaysan oo shacab Soomaaliyeed oo jecel midnimada Soomaaliya ku khasbaya inay xoog ku codeeyaan si ay Soomaali inteeda kale uga go’aan . Ayaa iyaguna qaatay fashilka labaad. Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo, waa loo garaabayaa aamusnaantiisa,  sababtoo ah  haddii uu ka hadli lahaa arintan  kooxdii Xamar joogta oo oo ka daba shaqaysan oo halka  Beel u badan  ayaa ka daba qaadan lahaa, iyaga oo leh  waa Qabiilayste

3- Suldaanka Beesha Warsangeli iyo Amiin caamir oo u ololeenayey mid ka mid ah madaxda SNM, kuwooda dhiig yacabka ah  oo aan haba yaraatee   codad ka helin gobolka Sanaag . Mataanahan Muuse Biixi taageersanaa iyaguna waxay noqdeen fashilka sadexaad

4= Marabidii oo  markii horba fashil ahaa iyaguna  waa sii  faasideen.

5- Reer Muqdisho ama siyaasiyiinta  Hawiye  oo aaminsanaa in Daarood laka qaybin karo iyaguna waa fashilmeen maanta

6 Warbaahintii VOA Somali iyo BBC Somali oo sugayey Safaf dhaadheer oo looga gelayo doorashada SNM Gobolada Sanaag iyo Sool iyaguna waa fashilmeen

7- Faysal Cali waraabe oo la sugayey inuu ciidan beeshiisa  Ciidagale ah oo qabsada Sanaag iyo Sool keeno goboladaas . Isagun a waa fashilmay oo halkii ayuu nacnacdii ka sii wadi doonaa uu tamarta mooday

Hadaba maanta yaa guulaystay oo Allah guusha siiyey

1- Shacabka ku nool gobolada Sanaag iyo Sool,  oo mudaharaadyo  iyo banaan baxyo sababay in goboladaas ayna ka qabsoomin  doorashadii  Maamulka SNM ay ku doonayeen in Soomaaliya lagu kala  gooyo, ayaa guushii kowaad raacday . taariikhduna waa xusi doontaa

Guusha labaad waxay raacday

Ururka Sanaag Sool iyo Bari,   (SSB),  ayaa kaalin weyn ka qaatay guushii maanta, ka dib markii ay wacyi  gelin badan ka sameeyeen bulshada ku nool  gobolada ay metelaan . Sidoo kalena ay xiriiro badan la sameeyeen madaxda maamulka Puntland oo ay ka tirsan yihiin, iyaga oo ka dhaadhiciyey in laga hortago sanaadiiqda SNM

Dawladda Puntland, Ciidamada Puntland, madaxweynaha Puntland, ku xigeenkiisa , Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland,  Xildhibaanada Puntland iyo  shacabka Puntland ayaa lahaa guusha cabsi gelisay jabhadda SNM inay maanta foodda soo saari waayaan Badhan iyo Dhahar

Warbaahinta Puntland ayaa   qayb libaax ka qaadatay difaaca gobolada Sanaag iyo Sool iyo guushii maata . Sida Puntland TV, Puntlandi, Puntlandes, Shacabka news, Allidamaale, Puntland Observer IWM

 

Ugu danbayntii koobka guusha oo aan cidina  la wadaagin waxa qaatay oo Bahda ALLSNAAG u aqoonsaden Wasiirka amniga Puntland  Cabdulaahi Yuusuf Dawlad, oo halkii uu socdaalkiisa ka bilaabi lahaa degmada Dhahar ee gobolka hayland   ka bilaabay degmada Badhan ee gobolka Sanaag,  waa buug cusub iyo astaamaha  Hogaamiyha daacada ah ah oo Bulshada reer Maakhir muddo badan raadinayeen

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*