26th April 2024  admin  Category :

Khayre oo $150,000 ku bixinaysa Garoon ay Caruurta reer Gal Mudug ku ciyaraan

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo galabta dhallinyarada kula jimicsaday waqtina kula qaatay garoonka kubbaadda Cagta Cabdullaahi Ciise, ayaa ka xog-wareystay caqabadaha haysta iyo baahiyaha gaarka ah ee ay qabaan dhalliyarada ku nool deegaanka.

Dhallinyada ayaa Ra’iisul Wasaaraha u sheegay inay u baahanyihiin in horumarin lagu sameeyo garoonka si dhallinyarada leh hibada iyo hammiga sare ee ciyaaraha ay u helaan fursad wanaagan, korna loogu qaado isdhexgalka bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha oo xalay dhallinyaro uu la kulmay u ballan qaaday qorshaha dowladda eek a qeyb qaadashada dhismaha garoonka ayaa mar kale ku celiyay in dowladdu ay ka qayb qaadaneyso dhismaha garoonka kubadda ee loogu magac daray Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdullaahi Ciise oo kamid ahaa dhallinyaradii SYL ee dhaliyay xornimada dalka.

Dhismaha garoonka ayuu Ra’iisul wasaaruhu sheegay in dowladdu ku bixinayso $150,000 si uu u noqdo garoon ku habboon in dhallinyaradu ku ciyaaraan kubbadda cagta.

Halbeegyada ugu waawayn ee tubta Horumarinta arrimaha bulshada ayaa waxaa qayb ka ah wax ka qabashada baahiyaha ay qabaan dhallinyarada Soomaaliyeed oo tirada ugu badan ka ah bulshada Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*