27th April 2024  admin  Category :

Ka maqnaanshada Puntland iyo Jubbaland Shirka Dhusamareb-3 waxay aheyd lagama maarmaan

Waxaan qabaa in Mabaadi’ida wada xaajoodka siyaasadda ( principles of political negotiations), ilaalinta dastuurka qaranka, kan dowlad gobleedka, iyo nidaamka dowladnimada ay ku khasbeen Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland inaysan ka qaybgelin shirka dhusamareb-3. Sababaha ka maqnaanshahooda waxaa lagu faahfaahiyay warsaxafadeedyo labada dowlad goboleed soo kala sareen. Gaar ahaan, Jubbaland waxay ka cabaneysay tacadiyo iyo dhibaatooyin Madaxweyne Farmaajo loo tirinayo ee loo geystay Shirkii dhusamareb-2 kaddib.
Maqnaanshaha labada DG wax xiriir ah lama laheyn is af-garanshawaa iyo xin kala dhexeeyay DG Galmudug.
Sida ku qoran qodobka 1aad ee warmurtiyeedkii shirkii dhusamareb-1, 5ta DG waxay ku heshiiyeen inay xoojiyaan iskaashiga dhexdooda ee xagga siyaasadda, amniga, iyo dhaqaalaha.

Mabaadi’ida ka qaybgalka wada xaajoodyada waxaa ka mid ah: ku kalsoonaanta daacadnimada, ixtiraamka heshiisyada, sharciga, iyo dhaqanka wanaagsan ee dowladnimo ee ka qayb galayaasha iyo u hoggaansanaanta xeerka wada xaajoodka ( procedures of the meeting/negotiation process) iyo buuxinta shuruudaha ka soo qayb galayaasha (conditions for participants/participation).

Jubbaland iyo Puntland waxay dadweynaha Soomaaliyeed la wadaageen sababa ka hagashadooda iyo inay diyaar u yihiin ka qaybgalka shirka dhusamareb-3. Madaxweyne Farmajo waxaa waajib ku ahaa inuu jawaabtiisa la wadaago dadweynaha Soomaaliyeed si loo gaaro xal deg deg. Ma jirto sababo macquul ah oo taagereysa in haddii Puntland iyo Jubbaland tegi lahaayeen Shirka dhusamareb-3, kana soo jeedin laheyn sababaha gadoodkooda ay heli lahaayeen garaabid ama jawaab. Sida darted, talo fiican ma ahaneyd haddana ma ahan inay ka qayb galaan Shirkaas.

Ugu yaaran 10 sababood dartood, Puntland iyo Jubbaland kama soo qayb geli karin shirka dhusamareb-3:

1. Madaxweyne Farmajo oo caan ku noqday ku xadgudubka dastuurka iyo sharciga, ballan baxyo joogto ah, iyo dagaal joogtada ah ee uu ku hayo DG Puntland iyo Jubbaland.
.
2. Madaxweyne Farmajo oo siyaasad ka dhigtay in sarkaal iyo ma xishoode kasta ee ka soo horjeeda Puntland iyo Jubbaland uu ka mid noqdo guulwadayaasha Madaxtooyda JFS ama xil loogu magacaabo DF hab khilaafsan sharciga shaqaalaha dowladda.

3. Tagoorka Aqalka Sare Barlamaanka Federaalka oo taageray wada hadalka Dowladda Federaalka iyo DG, taaso ah ku tumusho dastuurka iyo sharciyadda dowladdda Federaalka, iyo la dagaalanka nidaamka federaalka ee Dowladda Goboleedyada ku dhisan yihiin. Madaxweyne Farmajo wuxuu fikrad qalad ah ka qabaa nidaamka federaalka iyo doorashada federaalka.

4. Safaaradaha Mareykanka, Suuqa Reer Yurub, iyo Ingiriiska oo muddo 3 sano iyo bar ah taagersan, raalli ka ah amar ku taagleynta, ku xadgudubka dastuurka, iyo mu’aamaraadka Madaxweyne Farmajo horseedka ka ahaa. Madaxweyne Farmajo wuxuu Beesha Caalamka uga mahadceliyaa kaalinta muuqata ee ay uga jirta dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya, isla markaana wuxuu diida in beesha caalamka fududeyso xallinta khilaafaadka curyaamiyay dib u dhiska dowladnimada Soomaaliyeed. Beesha Caalamka waxay la taagersan tahay hagardaamada Madaxweyne Farmajo, taaso dhaxalsiisay ummadda Soomaaliyeed nabadgelyo xumo, burbur dhaqaale, iyo qalalaase siyaasadeed oo isu beddeli kara dagaal sokeeye.

5. Khudbaddii Xiritaanka shirkii duusamareb-2 oo ku diiday go’ammadii shirkii dhusamareb-1 iyo 2, taaso ku noqotay weji gabax iyo bahdil Madaxweynayaasha DG iyo RW Kheyre oo si foolxul xilka looga qaaday.

6. Xil ka qaadista RW Kheyre oo taageray doorasho heshiis lagu yahay halka, kana soo horjeestay kordhiska muddo xileedka BF iyo Madaxeweynaha. Madaxweyne Farmajo wuxuu ku dheganaa doorashada hal qof iyo hal cod oo uusan wax diyaar garow ah u sameyn.

7. Warqaddii Siihayaha RWK Mahdi ku amray Guddiga Farsamada Shirka dhusamareb inuu yimaado Muqdisho halka heshiisku ahaa inuu ku shaqeeyo dhusamareb ka hor 15 Agoosto 2020. Tallaabadaas waxay aheyd afduub shirka dhusamareb-3 oo ahaa shir laba geesood ah ee u dhexeeya dowladda Federaalka iyo DG.

8. Khudbaddii Madaxweyne Farmajo ka jeediyay Golaha Shacbiga kuna sheegay in dhaqangalka heshiis kasta ee ka soo baxa shirka dhusamareb-3 ay ku xiran tahay oggolanshooda, taaso meesha ka saartay ahmiyadda shirka dhusamareb-3 madaama BF uu leeyahay go’aanka kama dambeysta ah.

9. Ku daridda Shirka dhusamareb-3 Guddoomiyaha Gobolka Benadir oo ah sarkaal Madaxweynaha JFS magacaabo, taaso khilaafsan shuruudaha ka soo qaybgalka shirka dhusamareb-1, 2, iyo 3

10. Madaxweyne Farmajo oo dagaal ahaan u diiday inuu ka jawaabo, ka hadlo, dadweynaha la wadaago mowqifkiisa la xiriira qodobbada ku qornaa warsaxaafadeedyada Puntland iyo Jubbaland oo lahaa mudnaan weyn. Ma jirin sabab Madaxweynaha Galmudug Qorqor ula xiriiro Madaxweynaha Puntland iyo Jubbaland si ay uga soo qaybgalaan shirka, madaama Madaxweyne Farmaajo joogay dhusamareb, kana ahaa shir guddoomiye shirka dhusamareb-3. Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ma qaadicin ka soo qaybgalka shirka. Waxay codsadeen in loo caddeeyo isbeddelka xeerka shirka dhusamareb-3, lagana qanciyo arrimo dastuurka farayo oo ah in shirka uu ka soo qaybgalo RW haysta kalsoonida Barlamaanka Federaalka, kana mas’uul ah xukuumadda (executive branch of federal government). Dhinaca kale, Safaaradda Mareykanka waxay ka gaabsatay in Madaxweyne Farmajo ku cadaadiso inuu ka jawaabo qodobbada Puntland/Jubbaland soo bandhigeen halka ay DG-yada ku cadaadineysay inay ka qayb galaan shirka afduuban, taaso ah gardarro garbo loo yeelay.

Sidaa darted, sax ma ahan in lagu celceliyo inay wanaagsaneyd in Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ka qayb galaan shirka dhusamareb-3, kaddib markii Madaxweyne Farmajo afduubay shirka, isla markaana diiday inuu ka jawaabo, ka hadlo dhawrkii qodob ee labada DG dadweynaha la wadaageen dadweynaha. Waxay aheyd taloxumo in Madaxweyne Saciid Deni iyo Madaxweyne Axmed Madoobe yimaadaan dhusamareb,,ka sheegaan cabashadooda, dheg jalaq loo siin, kaddibna caroodan oo ka baxaan shirka.

Ummadda Soomaaliyeed waxay haysataa heshiiskii ka soo baxay dhusamareb-3 oo markhaati u ah in Madaxweyne farmajo rabo doorasho uu asagu maamulo kor iyo hos. Ummadda Soomaliyeed waxay kaloo dhegeysatay khudbaddii Madaxweyne Farmajo ka jeediyay xafladdii xiritaanka Shirka dhusamareb-3 oo daboolka ka qaaday xeeladaha boobka doorashada 2020/2021. Waxaa la sugaya tallaabooyinka Madaxweyne Farmajo qaado si doorashada 2020/2021 waqtigeeda ugu dhacdo. Puntland iyo Jubbaland waxaa la gudboon inay sugaan inta laga dhisayo Xukuumadda cusub.

Dr. Maxamud M Culusow

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*