14th August 2018  admin  Category :

Isutaagga midnimadda ee gobolka Sanaag waa soolyaal dheer fududaynayana isla helidda qaranka Soomaaliya.

Raadkii shalay qalalay dib ayuu u soo qoyey. Midnimadda Soomaaliya weligeed waxa ay lahayd dadka in udhimata iyo in marka ay ku haboontahay uun qaata, aanse u dhiman. Midnimadda Soomaaliya dunteedu waa adagyahay, balse baylah ayey noqonkartaa haddii hogaanku liico.
Booqashaddi aan Soomaaliya ku tegey sannad kan 2018, waxa ay dib ii soo xasuusisay dhacdooyin sooyaal ah, welina taagan. Waana hubinta iyo isku haynta midnimadda Soomaaliya.

Waxa aan booqday caasimadda ku meegaalka ah ee gobolka Sanaag, Baran (Wasiirkii arrimaha gudaha Axmed Salebaan Cabdalle ayaa go’aamiyey 1989, markii SNM dalka soo gashay 1988, oo dagaal indha la ku soo qaaday magaalo ,madaxdii gobolka, Ceerigaabo, kana dhigtay meel aan lagu shaqayn karin), waxaana ishaydu qabatay xafiis ay ku qorantahay far waa weyn oo u dhigan sidan ”XAFIISKA DAWLADDA FEDERALKA EE SOOMAALIYA”.

Su’aalo darandoori ah ayaa judhiiba maankayga ku soo degey, oo miyaanu wadahal u socon Soomaaliya iyo gooni-goosadka Somaliland? Oo gobolka Sanaag weligiiba kama go´in soomaaliya. Su’aalaha igu soo degeyaa intaas kuma ekaan ee waxaa sooyaalku isoo xasuusiyey markii dagaalka sokeeye Soomaaliya ka biloowday oo SNM dalka dagaal is-miidaamin ah ku soo gashay.

Wax yaalihii ugu horeeyey ee SNM samaysay waxa ka mid ahaa in SNM ay dagaal ku ku soo qaado goboladda Awdal, Sanaag iyo Sool oo SNM ay aaminsanayd in dad soomaali doon ah uu deganaa. Waxay dagaalo kharaar ka kahuriyeen dhamaan Awdal, Sanaag iyo Sool in tiisa badan, kalifanaya dhimasho badan, dhaawac dad iyo khasaare hantidadweyne. Colaada dagaaladaasi dhaliyeen wali lagama heshiin. Dagaaladdii SNM riddey waa dagaaladda sokeeye ee keliya oo ka dhacay Sanaag, SNM ayaana masuul ka ah.

Soo ifbaxii hore ee dhaqdhaqaaqii gobbanimo doonka ee daraawiishta oo Seyid Mohamed Cabdulle Xasan hoggamiyaha u ahaa gumeystihii ingriiskana dagaalka ba’an oo iska caabinta ah kula jiray waxaa inbadan sadhig u ahaa Sanaag iyo qalcadda ceelka Baran, diyaaradihii ugu horeeyeyna ee Ingiriisku waxa ay duqeeyeen ceelka Baran iyo Mirishi oo kuyaal Sanaag.

Welwelka ama khatarta siyaasiga ah ee ugu weyn oo uu qabay gumeystaha Ingiriisku waxa uu ahaa is-afgarad dhexmara Suldaan Maxamuud Cali Shire oo saldanadiisu ay Sanaag ka talin yirtay iyo halgamaagii gobbanimiadoonka Seyid Maxamed Cabdulle Xasan. Cabsidaasi waa tii keentay in gumeystihu Suldaan Maxamuud Cali Shire ku xukumo ciqaab xabsi dheer iyo in dalka laga masaafuriyo sagaal sanno.

Waa khalad in erayadan loo fahmo in aanay jirin dad waqooyi galbeed ka soo jeeda oo naftood huriyaal u ahaa, halgankii iskaqaadidda heeryada gumaysiga. Way badnaayeen laf dhabar ayeyna ahaayen, maantana waa buux kuwa u taagan arrimaha isla doonka lafaha soomaalida ee kala qubtay, waxa ay joogaan Hargeysa, London iyo Xamar. Dad ayaa maanta xoriyadda shaqsiyeed looga qaaday in ay qaban feker midnimo soomaaliyeed, una xiran.

Waxaase xusid muddan, hal doow ahna ah in la tilmaamo, fekerka kala goynta Soomaaliya weligiis ma wada gaarin qaybtii Ingriisku gumaysan jiray ee shanta soomaaliyeed. Shirkii Burco ee SNM isugu timi ka dibna lagu dhawaaqay Somaliland USP kama mid ahayn. Waxaa mudnaan muddan, maalintaa lagu dhawaaqay gooni-goosadka Somaliland, markaa waxa SNM dagaal weeran ba’an ku haysay Sanaag iyo Sool marka shirka loo fadhiyey. Erayadii Ismaaciil Suldan uu shirka ka yiri waxaa kamid ahaa” Annagu waxa aan shirka unimi nabadda deriska in ladoono iyo is-dhexsocodka dadka walaalaha ah, wixii soomaali kalageynayana qaybkamanihin”.

Runtu waxa ay tahay in gobolada Sanaag iyo Sool ay dhib badan u soo mareen midnimadda Soomaaliya, waxyaalaha ay sababtay waxaa ka mid ah in cunaqabatayn bini’aadamnimo lasaaray goboladan oo ay saartay Somaliland. Deeqda bini’aadmi ee adduunweynuhu bixiyo ee ku aadan Sanaag iyo Sool waxa la soo mariyaa maamulka Somaliland, deeqdaasi ma soo dhaafto Hargeysa. Waxaa intaa ka sii daran in maamulka Somaliland uu fididiyey dacaayad ku saabsan Sanaag iyo Sool oo dhahaysa: gobolladaasi waa kuwa laysku haysto oo amaankoodu uu xunyahay.

Dhacdooyinkani waa kuwa kooban oo sheegaya in hamiga hogaanka Somaliland iyo dadka Awdal, Sanaag iyo Sool uusan isku mid ahayn. USP waa kawada qaybgashay dhammaan shirarkii lagu nabadaynayey Soomaaliya. Marmalbana siyaasiyashoodu waxa ay ku qanacsanaayeen nolol iyo geeriba in ay soomaali wax laqabaan, damaanadna ay ka qaadayaan wadajirka Soomaaliya.

Waxa soo dhoweyn muddan wada hadalka maamulka Somaliland iyo dawladda Soomaaliya. Waase daruuri in wadahadalu ay ka unkamaan heer igmadsho kafaalad leh. Majaraha wadahadalku waa in uu ahaadaa mid ka turjamaya xaqiiqada dhulka ka jirta. Sida Baran waxa maanta ka taliya dawladda federalka Soomaaliya.

Gobolka Sanaag, waa gobolka keli ah ee ay dowlada soomaaliya ka taliso, xafiisna ku leedahahy waqooyiga Soomaaliya oo dhan. Waana rabitaan dad iyo sooyaal taxan. Cabashadda SNM waxaa kamid ahaa Xamar baasaboor u doonan mayno. Maanta reer Hargeysa Garowe ayey baasaboor u doontaan, Baranse waxaa ka furan xafiiska sodcaalka oo bixiya Baasababoorka. Waan hubaa haddii adeegyada muwaandiniintu ay kordkaan in dawladdu ay ku xidideysanayso waqooyiga Soomaaliya.

Isku soo duub duub, waxaa dawladda dhexe laga sugayaa in ay cunaqabataynta bini’aadminimo ka qaado gobolada Sanaag iyo Sool iyo in gobolada midnima doonka ah laga qaybgeliyo wada hadalada qaranimo, waayo waa qayb aayado ka taliskoodka ka mid ah.
Sanaag waa hooyga soomaali firkeedu ka soo jeedo, midnimadda soomaaliyeedna waa ka mamda’ iyo xoriyad dadweyne.

Cawad Cabdirahman Xirsi
Stockholm
lingax@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*